Weerar culus oo xalay lagu qaaday mid ka mid ah Saldhig Ciidamada Somaliland ee Laascaanood

ciidamada somaliland

Abaaraha kowdii habeenimo ee xalay ayaa sanqadha rasaastu isku yeedhay dhina bari ee Magaaladda Laascaanood, kadib markii dad hubaysani ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig Ciidamada Somaliland ay halkaas ku leeyihiin.

Rasaas xoogan oo labada dhinac isweydaarsanayeen ayaa argagax gelisay dadka shacabka ah ee goobtaas ka ag dhowaa.

Ma jiro wax xaqiijinaya khasaaraha labada dhinac kala gaaray, balse dadka degaanka ayaa ku adkeysanaya inuu jiro khasaare la soo gaadhsiiyey Ciidamada Somaliland, ma jirto wax dhimasho iyo dhaawac ah oo ay ka tageen kooxdii weerarka geysatay.

Weli ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here