Weerar hoobiye oo lagu qaaday caasimada Galmudug ee Samareeb

Hoobiye

Wararka laga helayo magaalada Samareeb ayaa sheegaya in caawa hore ee jimcuhu soo gelayey madaafiiic dhowr ah ay ku dhaceen magaalada sidoo kalena dagaal culus uu ka dhacay meel laga soo galo.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in dhowr hoobiye ay kusoo dhaceen qaybo kamid ah magaalada, waxaana weerarkan uu imanaya laba habeen un kadib markii sidoo kale magaalada sidan madaafiic loogu weeraray.

Sidoo kale maleeshiyada Al-Shabaab iyo ciidamadda sugaya ammaanka magaaladda iska-hor-imaad xooggan waxa uu ku dhex-maray meel magaalada laga soo galo kadib weerarka madaafiicda.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu socday in ka badan 30 daqiiqo. Weli ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarka madaafiicda intaba.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen hub culus iyo rasaas la is-weydaarsanayo, waxaana ay ka cabsi qabaan in Al-Shabaab ay isku dayeyso inay magaalada soo gasho.

Ugu yaraan afar qof oo midkood uu yahay askari boolis ayaa ku dhaawacmay markii laba habeen kahor ay sidaan oo kale Al-Shabaab ku dhowaad tobban madfac ku garaaceen qaybo kamid ah magaaladda Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here