Xaaskiisii kowaad ayaa fashilisay arooskiisa cusub kadibna dadkii baa garaacay

caruur lagaraacay

Caruus ayay ka eryadeen arooskiisii dad badan oo cadhaysani, kaddib markii xaaskiisii koobaad soo gashay xafladdii, si ay dadka u ogaysiiso inuu hore u guursaday oo weliba oo uusan hal mar guursane uu laba dumaro oo kale uu qabo.

Asif Rafiq Siddiqi, oo nin gadhweyn, yara buuran oo da’diisu tahay 30-meeyada, ayaa waxaa wax gaadhsiiyey oo dhirbaaxo kala daalay dadkii badnaa, funaanadiisii iyo surwaalkiisiiba waa la jeexjeexay waxaana uu ka dhex baaba’ay rabshaddii arooskiisa ka dhacday.

Markii hawshaasi dhacday kaddib, ayaa caruuskii oo bas ku dhex dhuumanaya isla mar ahaantaana rafaadsan ay badbaadiyeen dad aan la garanayni.

Pakistan, waa wax iska caadi ah guurka badani.

Laakin si katastaba ha ahaatee, in kasta oo ninku yeelan karo ugu badnaan ilaa afar xaas, waa inuu helaa ogolaashaha xaaskiisa hore ka hor inta uusan mar kale guursan.

Taas oo u muuqata in Mr Siddiqi uu ku guuldaraystay inuu fuliyo talaabadan xasaasiga ah, iyadoo ay markii hore xaaskiisa cusub iyo qoyskeeda ay ogaayeen guurkiisii hore ayaa hal mar haweeney careysan ay soo gashay hoolka xafladda ee magaalada Karachi, oo ah goobta aroosku ka dhaceyey.

“Maxaa jira walaal’ ayaa mid ka mid caruusadda qaraabadeedu weydiiyeen gabadha, sida laga arkay muuqaal la duubay intii xafladdu socotay.

Kolkaas ayay gabadhii, waa Madia Siddiqi, ay si aanay labalabaynayn u abbaartay dhankiisii.

.
Arooska waxaa qastay gabadh ku andacootay inay tahay xaaskiisii dhabta ahayd

“Waa ninkaygii, sidoo kalena waa aabbaha carruurtayda. Waxaanu ii sheegay inuu saddex casho aadayo Hyderbad” ayay ku cabatay, iyadoo gacanta ku wadata wiil yar oo ay sheegtay inuu isagu dhalay.

Kaddib ayaa qoyskii arooska dhiganayey, u kaxeeyeen qol gaar ah, halkaas oo ay ku siiyeen fursad ay dadka ku fahansiiso bal waxa dhacay, iyado ay ag tuban yihiin qaar ka mida qaraabadii caruuska.

“Taasi waa soddohday, taasina waa dumaashiday Jethani, oo ii sheegtay in hooyadeed oo ninkaygana dhashay ay xanuusanayso saddex cashaba, oo dhakhtar taal” gabadhii Siddiq ayaa sii wadatay hadalkeedii, ka hor intii aysanba toos u abbaarin caruusaddii cusbayd. Waxayna ku tidhi ” Naayaa, ma ogtahay in kani ninkaygii yahay? Xataa kama werwerayo miyaa cunuggiisan yar’

.
Image caption.

Halkaa kuma ay joogsan waxay sheegtay in ninkani guursaday 2016, xilligaas oo ay kulmeen jaamacadda Karachi’s Federal Urdu University, halkaas oo uu xilligaa ka shaqayn jirey.

Kaddib waxaa kale oo ay sheegtay, inuu gabadh labaad si qarsoodi ah u guursaday, taas oo lagu magacaabo Zehra Ashraf, oo macallin ka ah jaamacadda dumarka ee Karachi, sannadku markuu ahaa 2018. Waxayna sheegtay inay ka ogaatay farriimo ay isu dirdireen labadoodu.

Mrs Siddiqi ayaa sheegtay inuu markii hore dafiray jiritaanka gabadhaas, laakiin se uu dib ka qirtay.

Waxay ahayd Ms Ashraf oo iyaduna ku wargalisay Mrs Siddiqi arooskoodii ugu dambeeyay, iyada oo si ku xumayn ugu dirtay sawirradii xafladaha.

Ma cada intaa wixii ka danbeeyey ee dhacay. Laakiin se, booliiska oo gaadhay goobta ayaa u sheegay BBC in ehelka aroosadda cusubi ay garaaceen, oo nabarro gaadhsiiyeen.

Ciidammada dawladda ayaa badbaadiyey, iyagoo u qaadayna saldhiggii ugu dhawaa, laakiin waxaa soo dabagalay qaraabadii caruusadda cusub oo ku sugay jeelka hortiisa si ay mar kale u waxyeelleeyaan.

Muuqaal laga soo duubay, markii uu ka dhex dhuuntay gaadhi bas ah oo taagnaa, waxaa la arkayey iyaga oo ku qaylinaya soo bax “so bax haddii kale, baskaba waannu kugu gubi doonnaa”

BBC, waxay isku deyday inay la xidhiidho Mr Siddiqi iyo xaaskiisii cusbayd qaraabadeeda si ay u weydiiyaan waxa meesha ka dhacay, bal se ma aannaan helin.

Rao Nazim, oo ah taliyaha saldhigga booliis ee Taimuriha ayaa BBC-da u sheegay inaysan hadda jirin wax danbi ah oo cad oo laga gudbiyey.

Waxaana uu sheegay in waxani yihiin arrimo qoys oo ay tahay inay iyagu dhammaystaan, ama ay aadaan maxkamad qoys.

XIGASHO: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here