Xagee kala marayaan amiirka Dubai iyo xaaskiisii ka baxsatay?

amiirad haya bint al hussein

Maxkamad ayaa maanta oo talaado ah magaalada London uga furmaysay Amiirka Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum iyo xaaskiisa Amiirad Hayaa bintu Xuseen oo isku haysta labo carruur ah oo ay isu dhaleen.

Dacwaddan ayaa dhaawac ku ah Amiirkan maalqabeenka ah ee jecel in aan la ogaan arrimihiisa u gaarka ah isla markaasna neceb buuqa iyo is jiid jiidka, si la mid ah sida hoggaamiyeyaasha kale ee Khaliijka.

Saxaafadda Ingiriiska ayaa si gaar ah arrintan isha ugu haysay tan iyo markii ay soo shaac baxday,ayadoo saxaafadda Ingiriiskuna ay aad diiradda u saarto dabagalka wararka ku saabsan dadka caanka ah iyo kuwa maalqabeenka ah.

Warbaahinta ingiriiska ayaa sidaas si la mid ah u qaadaa dhigtay sheekada la xiriirta markii 19 sano ka hor gabadh uu dhalay Mohammed bin Rashid, oo la yiraahdo Shamsa ay isku dayday in ay kaga baxsato beertiisa ku taal Koonfuta Ingiriiska, laba bilood kaddibna arrintaasi way iska dhammaatay walina lama oga sida amiiraddan 38 jirka ah ay ku tagtay Dubai, walina gabadhaasi meel fagaare ah kama soo muuqan.

Waxaa sidaas si la mid ah sannadkii hore isku dayday in ay Dubai ka baxsato Amiirad Ladiifa oo walaasheed ah, balse dib ayaa loo soo celiyey kaddib markii ciidamada Imaaraadka ee sida gaarka ah u tababaran ay hawgal ku soo qabteen.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ogaatay in si weyn loo ilaaliyo xubnaha qoyska Sheekh Maxamed bin Raashid ee ku sugan Britain, marka ay guryahooda joogaan iyo markay bannaanka joogaanba ayagoo ilaalo la raaciyo marka ay ku sugan yihiin daaraha dhaadheer ee qoyskaasi ay ku leeyihiin England iyo Scotland.

Sheekha hoggaamiye dhaqameedka ah

Maxamed bin Raashid wuxuu sannadkii 1949-kii ku dhashay gobolka Shindagha ee Dubai, waana da’da saddexaad ee carruurta afarta ah ee uu dhalay Sheekh Raashid Bin Saciid.

Aabbihiis sheikh Rashid wuxuu xukunka imaaradda Dubai hayey intii u dhexaysay 1958 iyo 1990, waxaana imaaraddaas si gaar ah u ilaaliya Ingiriiska marka loo eego imaaradaha kale ee Khaliijka.

Maxamed Bin Raashid wuxuu waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku dhammaystay Imaaraadka, asagoo dugsigiisa sare dhammeeyey sannadkii 1965-tii.

Sannad ka dib wuxuu u wareegay dalka Ingiriiska asaga iyo ina adeerkiis, Sheikh Mohammed bin Khalifa Al Maktoum, si uu u soo barto luuqadda Ingiriiska, wuxuuna ku biiray Iskuulka Luuqadaha ee Bell oo kuyaal Cambridge.

Markii uu dhammaystay barashada afka Ingiriisiga, wuxuu ku biiray kulliyadda ciidmaada Britain ee Munz, halkaas oo uu ka soo qaatay koorso lix bilood ah.

Maxamed bin Raashid wuxuu ka mid noqday dadkii bud dhigga u ahaa mashruucii lagu dhisay dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taas oo ka koobnayd gole ay ku midaysan yihiin Imaaraadkii Carabta ee heshiiyey, waxaana xigay heshiis kii ay sannadkii 1968-dii ku midoobeen amiirkii hore ee Abu Dhabi sheikh Saayid bin Suldan iyo amiirkii hore ee Dubai Sheekh Raashid, tallaabadaas oo la oran karo waxay gogol xaar u ahayd dhismaha isutagga imaaradka.

Sannadkii 1969 ayaa Maxamed bin Raashid wuxuu madax ka noqday booliiska iyo ammaanka guud ee Imaaradda Dubai, waana xilkii dawladeed ee ugu horreeyey ee uu qabtay.

Sannadkii 1971-dii, waxaa xeebta Jumayra ee Dubai lagu saxiixay dastuurkii ugu horreeyey eek u meel gaarka ah si loo dhiso dawlad ay leeyihiin Isutagga Imaaraadka Carabtu.

Maalmihii xigayna waxaa la soo dhisay golo wasiirro oo uu madax ka ayhaay Sheekh Maktoum, wuxuuna walaalkiis u dhiibay wasiirka difaaca, wuxuuna noqday wasiirkii difaaca ee ugu da’da yaraa caalamka ee xilligaas.

Go’aanadii ugu adkaa ee uu qaatay in uu wasiiirka difaaca ahaa waxaa ka mid ahaa in ciidamo Isutagga Imaaraadka ka socda ay ka qayb qaataan xulufadii uu Maraykanku hoggaaminayey ee ciidmada Ciraaq looga saarayey dalka Kuwait sannadkii 1990-kii.

Dubai ayaa noqotay xarun ganacsi iyo mid dalxiis intii uu talada hayey Sheekh Raashid, kaas oo wiilashiisii u dhiibay mashaariic fara badan oo horumarineed.

Hawliii uu u xilsaaray wiilkiisa Maxamed waxaa ka mid ahaa in uu dhiso dekad ay doonyuhu ku xirtaan, iyo in uu madax ka noqdo guddiga madaarka Dubai ee caalamiga ah, iyo sidoo kale shirkadda shidaalka Dubai, oo loo arko isha Dhaqaalaha ugu weyn ee imaaraddaas.

Markii uu geeriyooday Sheikh Raashid sannadii 1990, waxaa xukunka kala wareegay Sheekh Maktoum.

Sannadkii 2006-dii ayaa Maxamed Bin Raashid wuxuu qabtay xukunka Imaaradda Dubai, ka dib markii oo uu dhintay walalkiis Maktoum Aala Makhtoum.

Sida uu sheegay wargayska Forbes, hantida amiirka Dubai waxay hoos ugu soo dhacday 6 bilyan oo dollar sanaddkii 2009-kii, sababo la xiriira qalalaasihii dhaqaalaha caalamka, waxaana “hantidiisa haatan lagu qiyaasaa 4 bilyan oo dollar” sida laga soo xigtay hay’adda Business Insider.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here