Xaliima Aadan: ‘Ma aha inuu qof kuu sheego dharka aad xiraneysid iyo kuwa kale’

Xaliima Aadan

Xaliima Aadan waxay ka mid tahay haweenekii ugu horreeyay caalamka ee heer sare ka gaaray xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha la isku qurxiyo, iyagoo xijaaban.

Gabadhan Soomaali-Mareykanka ah ee qaxootinnimada uga baxday Kenya waxay BBC-da uga warantay sida ay isugu dheellitirto shaqadeeda xayeysiinta waxyaabaha la isku qurxiyo iyo diinteeda islaamka.

“Ma jirto haweeney lagu khasbi karo inay xijaab xirato mana jirto haweeney lagu khasbi karo inay iska dhigt xijaabka”, ayey tiri.

Gabadhan 22 jirka ah ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban kasoo muuqatay majalladda ciyaaraha Vogue, halka ay waddada u xaartay inay shirkadaha kale ee ay ka mid yihiin Max Mara iyo Yeezy.

U dabaaldagista dookheyga

“Waxaan u dabaaldagayaa dookheyga ah inaan xijaabka xirto. Waligey qof uma sheegin inuu fikirkeyga qaato ama uu u labisto sida aan u labisanayay”, ayey tiri Xaliima oo hadalkeeda sii wadatay.

Waxay lacago aad u badan ku qaataa shaqada xayeysiinta, oo ay aad ugu caan baxday.

.
Guusha Xaliima Aadan waxay waddada u furtay haween kale oo wax xayeysiiya iyagoo xijaaban

Xaliima dhirikeedu waa 165cm, waana mid aad uga gaaban dhirirka haweenka caadiga ah ee wax xayeysiiya.

Tartanka Quruxda

Dhinaca quruxda way ka run sheegtay. wax walbana jid ayey u heshaa.

Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xiran ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

.
Xaliima Aadan waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban lagu soo sawiray majaladda Sports Illustrated

Tartankaas kuma aysan guuleysanin inay noqoto boqoradda quruxda, laakiin intii uu socday waxay baratay labiska lagu dabaasho, oo jirka oo dhan asturaya, una sahlaya inay dabaalato iyadoo aan qaawaneyn.

“Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan gabdhaha kale u sheego inay dabaal aadi karaan iyagoo dharkaas xiranaya, si ay ciyaaraha uga qeyb qaataan”, ayey tiri.

Xilligaas waxyar ka dib waxay qandaraas la saxiixatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca xayeysiinta, oo lagu magacaabo IMG models.

.
Xaliima waxay qof lagu daydo u tahay dumarka muslimiinta ah ee guud ahaan dunida

Xaliima diinteeda uma oggola in jirkeeda meel laga arko, marka laga reebo wajigeeda, gacmaha qeybta hore iyo lugaha qeybta ugu hooseysa.

Dhammaan waxyaabahan waxay ku xusan yihiin qandaraaska xayeysiinta ee ay gashay.

“Waxaan rabay inaan howsha u fududeeyo dadka dharka sameynaya, sababtoo ah horay ma aysan ula shaqeynin qof wax xayeysiiya oo aniga ila mid ah”, ayey tiri Xaliima.

Meelaha lagu soo bandhigo xayeysiinta dharka, waxaa Xaliima looga sameeyaa goob iyada u gaar ah oo ay ku labisato.

Diyaar baan u ahay inaan ka dhaqaaqo shaqada

.
Xaliima waxay leedahay meel ay kaligeed ku labisato

“Aniga muhiim ayey ii tahay inaan ahaado qof muslim ah oo xijaaban, waana inaan mar kasta taas ilaaliyo”, ayey tiri.

“Sidaas darteed dadka shirkadda wax u naqshadeeya iyo kuwa aan wada shaqeyno waxay ii diyaariyaan meel qurux badan oo aniga ii gaar ah”.

“Haddii aysan taas diyaar u ahayn, ama aysan ku faraxsaneyn, anigana waxaan diyaar u ahay inaan shaqada halkaas uga dhaqaaqo”.

Xorriyadda dookha

Xaliima waxay u dooddaa xorriyadda labiska, marka laga hadlayo dharka ay haweenka xirtaan.

.
Xaliima Aaadan waxay waji u noqotay xayeysiinta dhinaca muslimiinta

“Waxaan aaminsanahay in haweeneydu ay xiran karto dharka ugu yar ee jirkeeda oo dhan uu qaawan yahay, haddiiba ay sidaas ku faraxsan tahay, oo ay u maleyneyso inay sidaas ku qurux badnaaneyso. Anigana waxaan doonayaa in la ii daayo xijaabkeyga, maadaama aan aaminsanahay inaan sidaas ku qurux badanahay, kuna kalsoonahay”.

Ma laga yaabaa in Xaliima ay waligeed iska dhigto xijaabka?

Su’aashaas waxay uga jawaabtay inay qof walba u deyneyso fikraddiisa, iyo sida uu ku qancsan yahay.

Laakiin iyadu waxay ku cel-celisay inaysan waligeed ka tanaasuleynin waxa ay diinteeda fareyso

“Haween badan oo iyagoo xijaaban wax xayeysiiya”

Xaliima, oo mar walba si joogto ah farriimo ugu dirta haweenka caaamka, waxay aragtaa isbaddal dhinaca fiican ah oo ku saabsan inay soo badanayaan dumarka xijaabkooda kusoo gala xayeysiinta.

Halima Aden with her trademark hijab
Xaliima waxay sheegtay inaysan waligeed ka tanaasuleynin waxa ay diinteeda fareyso

“Waxaa hadda ganacsiga xayeysiinta ka dhex muuqda xijaabo aad u badan, dumar badan oo xijaaban ayaa kasoo qeyb gala tartammada, waxay ila tahay in hadda si caadi ah loola qabsaday”.

Dad badan waxay gabadhan ku qeexaan inay waji wanaagsan u tahay guud ahaan ganacsiga xayeysiinta.

“Arrimihii aan horay ugula kulmi jirnay xijaabka waxay ahaayeen kuwo sidan ka duwan, oo siyaasadeysan. Waxaan doonayaa inaan wax baddalo. Wali waxaan ahay gabar da’ yar, waan jeclahay xayeysiinta dharka, waan jeclahay dharka, qalbi ayaan leeyahay, naf ayaa igu jirto, mana ka duwani haweenka kale”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here