Xasan Abshir Jabriil iyo 20 dagaal-yahan oo weerar looga dilay Al-shabaab

ciidamada somalia

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xalay ay ciidammada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegaanka Awdheegle ay duqeyn ku dileen saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo u waramay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in fiidnimadii hore ee xalay ay Duqeyn ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Duqeyntaas ayey sheegeen saraakiishu in ay ka fuliyeen duleedka koonfureed ee degmada Awdheegle, kadib markii sida ay sheegeen saraakiishu ay ka war heleen in dagaalayahano ka tirsan Al-Shabaab ay isku uruursanayaan halkaas.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in xilligaas ay damacsanaayeen in weerar ay ku qaadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna sheegeen saraakiishii hoggaaminaysay howlgalkaas in duqeyntaas ay ku dileen in ka badan 20 dagaalame.

Sarkaal lagu magacaabi jiray Xasan Abshir Jabriil oo ahaa guddoomiye ku xigeenka qeybta Jabhadda loo yaqaano ee ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa la sheegay in uu ku jiray Shabaab-kii xalay lagu dilay duqeynta ka dhacday duleedka degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here