Xildhibaan Cali Dhahar oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur

xildhibaan Cali Dhahar

Xildhibaan Cali Axmed Salaad (Cali Dhahar) oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa maanta u geeriyooday dhaawac culus ka soo gaaray shil gaari oo uu ku galay degaan ka tirsan Gobolka Sanaag.

Xil. Cali Dhahar ayaa shilkaas ku galay degaanka Midigale oo qiyaastii 40KM u jira degmada Badhan ee Gobolka Sanaag sida laga soo xigtay Qoyskiisa iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ku sii jeeday degmada Badhan oo uu doonayay in uu kaga qayb-galo Tacsida Hooyadiisa marxuumad Raxma Ciise oo ku geeriyootay magaalada Badhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here