Xildhibaanada Kenya oo ka hadlay qorshahoodii Muqdisho iyo cidda ay lasoo kulmeen

xildhibaano somalida ke

Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale oo ka mid ah xildhibaanadii ka socday dowladda Kenya ee maanta ka laabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan dheer ay lasoo qaateen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in socdaalkooda Muqdisho ay ku war-geliyeen madaxa ugu sareeya sirdoonka dalka Kenya, isla markaana ay isla garteen in ay tagaan Muqdisho, ayna kula soo laabtaan wixii ay kala soo kulmaan.

Xildhibaanka ayaa beeniyey wararka warbaahinta Kenya qaarkood ee ah inay lasoo kulmeen madaxda sirdoonka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo u waramay VOA ayaa yiri, “Inagoo Xildhibaano ah oo ka soo jeedna gobolka Waqooyi Bari ayaan ku tashanay in aan Muqdisho u tagno in aan la soo tashano madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo aan kala tashano sidii aan iskaga kaashan laheyn arrimaha amiga iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, ogaanana qorshaha dowladda Soomaaliyeed waxa uu yahay.”

“Shalay ayaan Nairobi ka baxnay anagoo 11 xildhibaan ah oo ka soo kala jeedna Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, markaan tagnay Muqdisho dowladda Soomaaliya aadbey noo soo dhaweysay, xalay waxaan la kulanay Madaxweyne Farmaajo oo afar saacadood aan shir kula jirnay,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale ayaa sheegay in markii ay soo baxayeen ay socdaalkooda ku war geliyeen madaxa sirdoonka dowladda Kenya, maadaama arinta ay u socdeen ay la xariirto amni, kadibna uu ka ogolaaday oo uu ka dalbaday in ay kula soo laabtaan wixii ay kala soo kulmaan dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Maxamed Daahiye ayaa sheegay in hadii ay dhici weyso in labada dowladood ay ka wada shaqeyn waayaan ammaanka xuduudahooda ay Al-Shabaab ku xoogeysa doonaan.

“Aragtideydu waxay tahay maanta anagu waxaan furnay albaab cusub oo laga wadahadlo, siyaasadda dowladda Kenya ee ku wajahan Soomaaliya waa side? Ma in maamul goboleedyada ay la shaqeysabaa oo ay dowladda dhexe gacan dhaafto? Dowladda Kenya diyaar ma u tahay in dowladda federaalka Soomaaliya ay kala shaqeyso arimaha xuduudda ka jira? Dowladda Kenya iyo shacabkeeda waxaa hor yaalla su’aalahaas, anagana waxaan daba geleynaa oo aan rabnaa in aan helno, deris wanaag, wada shaqeyn heer federal ah hadii la helo waxaan aaminsanahay arrimaha Al-Shabaab in lasoo afjari karo”ayuu yiri Xildhibaankan laga soo doortay gobolka Waqooyi Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here