Xildhibaanadii Kenya ee yimid Muqdisho oo lagu qabtay garoonka Wilson

kenyan police

Ugu yaraan sideed xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Kenya, kana soo jeeda gobolka Waqooyiga Bari ee Soomaalida, ayaa lagu qabtay garoonka Wilson Airport ee Nairobi, kadib markii ay safar qarsoodi ah ku tageen Soomaaliya.

Taleefishinka Citizen ee Kenya ayaa weriyey in xildhibaanada, oo hadda lagu hayo garoonka, ay Sabtidii diyaarad khaas ah ku tageen Soomaaliya, ayaga oo wada howl-gal sir ah, oo aan la shaacin waxa uu yahay.

Magacyada xildhibaanada iyo degaanada laga soo doorto ayaa kala ah: Ahmed Kolosh (Wajir West), Ibrahim Abdi (Lafey), Rashid Kassim (Wajir East), Mohamed Hire (Lagdera), Omar Maalim (Mandera East), Bashir Abdullahi (Mandera North), Adan Haji (Mandera West) iyo Kullow Maalim (Banisa).

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in booliska Kenya ay heleen xog ku saabsan in xildhibaanadaas ay Soomaaliya tageen kadib markii ay marti-qaad u fidisay hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

Baarayaasha booliska ayaa doonaya inay ogaadaan ajendaha kulankooda Soomaaliya, maadaama xiriirka labada dal ee Soomaaliya ee Kenya uu aad u xun yahay.

Sideedda xildhibaan ayaa waxaa su’aalo laga weydiinayaa nooca safarkooda, inuu ahaa mid rasmi ah oo dowladda ogeyd iyo mid ayaga u gaar u ah, iyo sababta aan loogu war-gelin afhayeenka baarlamanka.

Dhowr baabuur oo ay leeyihiin qeybta dambi baarista ee Booliska iyo qeybta ka hortagga argagixisada ayaa goor sii horeysay oo maanta ah tegay garoonka Wilson Airport, ayaga oo sugaya xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here