Xildhibaannada Dimuqraaddiga oo bilaabay Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Trump

trump

Guddi ka tirsan aqalka wakiillada Mareykanka ee congress-ka ayaa u codeeyay in la guda galo mooshin ku saabsan in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump.

Xubnaha ka tirsan guddiga caddaaladda ee aqalkan ay aqlabiyadda ku leeyihiin xisbiga Dimuqraaddiga isku raacay inay si gaar ah u billaabaan dhageysiga mooshinka xasaasiga ahaa ee muddada dheer loo ol’oleynayay.

Waxay sheegeen xildhibaannadan inay rajeynayaan in dabayaaqada sanadkan ay mooshinkan u bandhigaa guud ahaan mudaneyaasha aqalka.

Hase ahaatee, maadaama ay aqalka odayaasha ee Senate-ka ay aqlabiyad ku leeyihiin xisbiga talada haya ee Jamhuuriga, kiis kasta oo ka dhan ah madaxweynaha ayey u badan tahay inuu guul darreysto.

Waa maxay waxa ay guddiga aqalka sameeyeen?

Khamiistii ayey guddigu ansixiyeen guda galista Mooshinka ka dib markii ay u sameeyeen codeyn noqotay 24-17, waxayna sidaas ku sharciyeeyeen tallaabada loo qaadayo in baaritaanno lagu sameeyo eedeymaha uu madaxweyne Trump ku muteysanayo in mooshinka xil ka qaadista ah lagu soo oogo.

Arrimaha ay ansixiyeen waxaa ka mid ah inay qareennada u oggolaadeen inay si shaac baxsan su’aalo u weydiiyaan dadka markhaatiyaasha ah.

Xubnaha guddiga ayaa caqabad weyn kala kulmayay diidmada saraakiil horay uga tirsanaa Aqalka Cad oo ku gacan seyray inay markhaatiyaal ka noqdaan dhageysiga hadda socda ee ku saabsan eedeymaha la xiriira mooshinka xil ka qaadista Trump.

Guddoomiyaha guddiga ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga Jerry Nadler ayaa markii uu dhageysiga furayay sheegay in howshan dadka qaarkiis ay u arkaan su’aalo weydiin ku saabsan mooshinka halka kuwo kalena ay u arkaan baaritaan lagu sameynayo madaxweynaha.

“Ma jiro farqi dhinaca sharciga ah oo u dhaxeeya labadaas oraah, anigana mar dambe ima dhibi doono magacii aan u yeeli lahaa howshan”.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, dacwad kasta oo maxkamadeed lagu soo oogo madaxweyne Trump waxaa ka mid noqon kara jabinta sharciga caddaaladda, ku tagrifal awoodeed iyo inuu ku gacan seyray in loogu yeero su’aalo weydiin”.

Laakiin tallaabo kasta oo ay qaadaan siyaasiyiinta Dimuqraaddiga waxaa sida ay u badan tahay hor istaagi doona dhiggooda xisbiga Jamhuuriga.

Doug Collins, oo ah Xildhibaanka aqalka wakiillada ee laga soo doortay gobolka Georgia, isla markaana matala xisbiga Jamhuuriga ee uu Trump kasoo jeedo ayaa yiri: “Saaxiibadeyda aan wada shaqeyno si fiican ayey u ogyihiin inaysan heysanin codadka ay ku ansixin karaan in mooshinka laga hirgaliyo aqalka, laakiin sidaasoo ay tahay way iska rabaan inay xilka ka qaadaan madaxweynaha.

“Marka waxay iska dhigayaan dad diyaarinaya mooshinka xil ka qaadista”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here