Xisbiga uu hogaamiyo Mukhtar Roobow oo ka hor yimid mashruuc lagu dhisayo Dekadda Baraawe

Xisbiga Amni iyo Cadaalad mr

Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo uu Hogaamiye u yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xabsi guri ugu jiro Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor yimid safar uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ku tagay Dalka Jabuuti.

Safarka Lafta Gareen ee Jabuuti ayaa salka ku hayo sidii maalgelin loogu heli lahaa dhismaha Dekadda Baraawe oo la filayo in waqtiyada soo socdo uu ku shaqeeyo maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay magaaladaas tahay Caasimadda rasmiga ah ee maamulkaas.

Xisbiga Amni Iyo Cadaalad ayaa ku doodayo in madaxweynaha Koonfur Galbeed lagu soo doortay qaab aan sharci aheyn sidaas darteedna uusan awood u laheyn inuu mashaariic kusoo qaato dhismaha Dekadda Baraawe.

Xisbiga ayaa sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto dhibaato badan iyo musuq maasuq isla markaasna aan weli xal loo helin dhibaatadii ka dhacdo Baydhabo ayna ugu baaqayaan Dowladda Jabuuti inaysan soo faragelin arrimaha Koonfur Galbeed ayna joojiso mashaariicda ay dooneyso inay ku bixiso dhismaha Baraawe inta laga helayo madaxweyne sharci ah oo ay ku qanacsan yihiin dadka Koonfur Galbeed sida lagu qoray warsaxaafadeedka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad.

Xisbiga ayaa intaas ku daray in deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jiraan dhibaato ka dhan ah bini’aadanimada iyo Xoriyadda lana xirayo cid kasta oo ka ra’yi duwan maamulka talada hayo iyadoo intaas dhan ay jiraana aysan caqli gal aheyn in mashaariic loo raadiyo dhismaha Dekadda Baraawe.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo lagu qoray luuqadda Ingiriiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here