Ciidamo ilaalo gaar ah u ahaa Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo sheegta inuu yahay madaxweynaha Galmudug ayaa iska dhiibay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
ilaa iyo labo gaadiid oo nooca dagaalka ah oo ay saaran yihiin ciidamo hubeysan ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb,kuwaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada,waxayna ka goosteen madaxweyne Xaaf.
Ciidankan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan mudo dhowr bilood ah,waxayna door bideen iney qeyb ka noqdaan nidaamka cusub ee Shacabka ee Galmudug gaar ahaan maamulka la aqoonsan yahay ee madaxweynaha u yahay Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo fadhigiisu uu uu yahay magaalada Dhuusamareeb.
Xaaf ayaa wali fadhiya magaalada Gaalkacyo,isagoo ka biyo diidan maamulka ay aqoonsan yihiin beesha caalamka iyo Dowladda Federaalka.