Xubno Al-Shabaab ka tirsan oo ku dhintay qarax warar kala duwani kasoo baxayaan

shabaab2

Wararka naga soo gaarayo degmada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay qarax xoog leh oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobalka.

Qaraxa ayaa ka dhacay Xaafadda Hargeysa Yarey oo ka tirsan degmada Jilib, waxaana la sheegay in uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray rag ku howlanaa diyaarinta qaraxaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay guri, islamarkaana uu ahaa qarax gaari oo la diyaarinayay.

Sidoo kale dadka degaanku waxay sheegayaan in ay arkeen meydadka dad guriga laga soo saarayay.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka ayaa sheegay in qaraxa uu jiro balse aysan ogeyn inta uu khasaarihiisu le’egyahay.

“Saakay waxaa maqalnay dhawaaqa qarax culus oo ka dhacay Hargeysa Yar, guri ayuu ka dhax dhacay waxaana la isku dhax wadaa in uu ahaa qarax la diyaarinayay iyo wax cirka ka yimid balse dadka ugu badan waxay sheegayaan in uu qoladii ku qarxay, qarax ay diyaarinayeen” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha Jilib.

Wararkii ugu dambeeyay ee gobalka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 dagaalame oo ahaa kuwada qarxayada gaadiidka ku diyaariya ay halkaas ku dhinteen, 7 kalane ay dhaawacyo soo gaareen.

Habeeno ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale Al-Shabaab uu ku qarxay gaari ay qarax ku diyaarinayeen, degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobalka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here