Xuutiyiinta Yemen oo Soomaaliya ku eedeeyey inay xuduudahooda ku soo xadgudubtay

ciidamada yemen

Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yemen ayaa digniin adag u dirtay Dowladda federaalka ee Soomaaliya, sida lagu baahiyey mareegta warbaahintooda.

Sida lagu baahiyey Shabakada Xuutiyiinta ee Almashhad-Alkhaleeji, Xuutiyiinta ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay ku xad-gudubtay Jaziiradaha yar ee dalkaas ee loo yaqaano Soqotra, si ay uga dhigato goobo cusub oo laga sameeyo shidaal baaris.

Guddigga Farsamada ee qeexaya xudduudda Jamhuuriyadda Yemen ee hoos tago Kooxda Xuutiyiinta ayaa kulan ay shalay yeesheen waxay uga hadleen xudgudubkan oo ay sheegeen inay Dowladda Soomaaliya ku sameysay xuduudaha dalka Yemen.

Xuutiyiinta ayaa si cad u sheegay in Dowladda federaalku ay sameysay xad-gudub ka dhan ah khayraadka dalka Yemen, isla markaana ay si badheedh ah ugu soo talaabtay Jasiiradahaasi oo ku yaala xuduud badeedka u dhaxeeya Yemen iyo Soomaaliya.

Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ugu Magacaaban Xuutiyiinta, Axmed Daaris ayaa sheegay in aan marnaba laga aqbaleyn Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay sameyso xad-gudub noocaasi ah, sida laga soo xiganayo Wakaalada wararka ee Xuutiyiintu maamulaan.

Wasiirka ayaa si adag ugu digay arrinkaasi Madaxda dowladda federaalka, kaasi oo ay Xuutiyiintu u arkaan xad-gudub ka dhan ah xuduudahooda iyo weliba khayraadkooda.

Kooxda Hubeysan ee Xuutiyiinta ayaa sidoo kale xusay in dowladda federaalku ay doonayso inay Qaramada Midoobay ka ansixiyaan, kana xaqiijiyaan Biyaha Gobalka iyo Jasiiradaha Soqotra.

Waxa sidoo kale Madaxda Xuutiyiintu sheegeen in sharciga la tiigsan doonaan dowladda federaalka oo ay sheegeen inay soo degsatay Khariidada qeybaha Badda ee ay u aqoonsadeen qeybaha cusub ee Batroolka ee Jaziiradaha Soqotra.

Jaziiradaha Soqotra oo gaaraya Afar ayaa waxaa ay 240-KM dhanka Bari kaga toosan yihiin Xeebaha Puntland ee Soomaaliya, halka ay Jaziiradahaasi u jiraan dalka Yemen masaafo dhan 240-KM ee Koonfurta Gacanka Carbeed, waxaana la rumeysan yahay inay yihiin goobo laga heli karo Shidaal.

Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo ku aadan eedeynta iyo digniinta ka dhanka ah ee Kooxda Xuutiyiintu ee Yemen u soo jeediyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here