Yusuf Garaad: Xaflada Caleemasaarku waa howl qaran oo aan dadkayga u qabanayo

yuusuf garaad

 Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo qoraal soo dhigay Facebook-giisa ayaa ka hadlay munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Galmudug, garabka dowladda Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo isaga guddoomiye looga dhigay qaban qaabadeeda.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay inuu aqbalay howsha uu u xil-saaray madaxweyne Qoor-Qoor, isagoo tilmaamay inuu u arko howl Qaran oo uu dalkiisa u qabanayo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Galmudug oo mar ay ka wada tirsanaayeen xukuumadda Khayre uu ka taageeray musharrax kale, sidaas oo ay tahayna uu uga mahadcelinayo adeegga uu u gartay inuu reer Galmudug u qabto.

Ugu dambeyn wuxuu Yuusuf Garaad Cumar ku wargaliyey saaxibadii la soo xiriiray iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in uusan xil ka qaban Galmudug.

Halkaan hoose ka aqriso:-

Aniga oo xeerinaya baahida ay Soomaaliya u qabto in ay siyaasaddu xasisho, oo fursad kasta oo suurta gal ah looga faa’iideysto in siyaasiyiinta dhexdooda iyo shacabka iyo siyaasiyiintuba ay is fahmaan isuna soo dhowaadaan, isla markaana tixgelinaya soo jeedinta Madaxweynaha Galmudug oo inkasta oo aan mar ka wada tirsaneyn Xukuumadda aynaan mar kasta isku ra’yi ahayn, ogna in uu og yahay in aan taageeray murashax kale, waxaan aqblay howsha uu ii xilsaaray oo ah qabanqaabada munaasabadda caleema saarka taas oo aan u arko howl Qaran oo aan u qabanayo dalkeyga.

Madaxweynaha Galmudug waan uga mahadcelinayaa in uu iskii u gartay in aan adeeggaas muhiimka ah u qabto GalMudug.

Waxaan u arkaa qaddarin gaar ah in aan Guddoomiye ku Xigeenka iyo xubnaha kale ee sharafta badan kala shaqeeyo Caleemo saar dadweynaha Soomaaliyeed ee Galmudug rajo geliya, hadba inta ay taagtu tahay, billow rasmi ahna u noqdo dib u heshiin uu ifafaalaheedu muuqdo.

Talooyin aan arkay iyo saxiibbada qaar ila soo xiriirayba, waxaan leeyahay adinka oo aad ugu mahadsan qaddarinta aad ii heysaan, ogaada anigu Xil kama qaban Galmudug.

Ma ihi mana rabo in aan noqdo nin iskala weyn in uu dadkiisa iyo dalkiisa u adeego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here