Yuusuf Garaad: Ahlusuna ayaa sabab u ahayd Horumar la’aanta ka taagan Galmudug

yuusuf garaad

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay khilaafkii Ahlu suna iyo Dowladda Federaalka oo dagaal isku bedelay, wuxuuna sheegay in Ahlu suna sabab u ahayd horumar la’aanta ka taagan deegaanada Galmudug isagoo taas sabab uga dhigay  isfaham la’aan kala dhexeysay Federaalka oo aan hal Dowlad ku koobnayn.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay inay Ahlu Sunna garan weysay inay libinteeda ka dhigto mid ka wada dhaxeyso dadka deegaanka iyadana ay hoggaan u noqoto.

Wuxuu Dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay sugto amniga deegaanada ay kala wareegtay Ahlu Sunna isagoo ku baaqay inaan loo darsan Ahlu Sunna.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo qoray Yuusuf Garaad

Ahlu Sunna isfaham la’aan kala dhexeysay Federaalka oo aan hal Dowlad ku koobnayn ayaa wiiqday horumarka degaanka iyo Dowladnimada Galmudug.

Dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waan kula kulmay Hoggaamiyayaashooda iyo soddomeeyada ugu sarreysa ASWJ keli ahaantay iyo marar aan mas’uuliyiin kale oo maslaxad daneynayay aan wada soconnay.

Ilaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha iyo Wasiir Juxa annaga oo wada soconna iyo annaga oo laba laba ama saddex saddex ahba wadahadal waan la galnay, Madaxtooyada gudaheeda iyo dibaddeedaba, mararka qaar lagu gaaray saq Dhexe.

Halkaan ugama hadlayo ASWJ waxa ay qabteen ama ay mudan yihiin. Ugamana hadlayo dhaliilahooda.

Hadda isbeddel kasta oo degaankaas ka dhacaya laba ayaa aniga iigulu muhiimsan.

In aan dhiig ku daadan marka isbeddelku dhacayo iyo waliba ka dib isbeddelka dartiis.

Dhanaca kale, Ahlu Sunna cidina kuma wehlin ka saaridda degaanka iyo ka daafaca Shabaab. Iyagu garan waaye tab ay libintooda uga dhigaan mid dadka degaanku uu wada leeyahay iyaguna ay horseed ka yihiin.

Laakiin, Dowladda Federaalka oo hadda Galmudug toos ula wareegtay iyada ayay mas’uuliyaddu saaran tahay. Kama hadlayo doorasho iyo siyaasad. Waxaan ka hadlayaa amni iyo Daafaca degaanka. Yaan loo darsan Ahlu Sunna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here