Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo maanta gaaray magaalada Laascaanood ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey Dulleedka Magaalada.
Kumanaan qof iyo gaadiid aad u tiro badan ayaa kaga hortegay duleedka Magaalada, kuwaas oo u soo gelbiyey gudaha Magaalada.
Wasiir Yaasiin ayaa u mahadnaqay dadweynihii soo dheweeyey.
Wasiirka ayaa la filayaa inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho bulshadda qaybaheeda kala duwan.