Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.
Hadalka Madaxweyne Kuxigeenku Wuxuu kusoo Beegmayaa Iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Uu Hore Usheegay Inuu Deegaankaas Wadahadal Kala gelayo Somaliland.
Dhowaan Madaxwayne ku xigeenka ayaa ku gacan Saydhay Gudiga Doorashooyinka Puntland oo uu sheegay inaan Madaxwayne Siciid deni kala tashan.
Halkan Hoose ka akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo uu kaga soo hor jeestay wada hadalkii nabadeed ee Madaxwayne Deni ugu baaqay Soomaaliland in ay kala galaan ay dhulka ay Puntland isku hayaan.