Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo ka horyimid Wadahalkii Siciid DENI ugu baaqay Somaliland

axmed karaash

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.

Hadalka Madaxweyne Kuxigeenku Wuxuu kusoo Beegmayaa Iyadoo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni Uu Hore Usheegay Inuu Deegaankaas Wadahadal Kala gelayo Somaliland.

Dhowaan Madaxwayne ku xigeenka ayaa ku gacan Saydhay   Gudiga Doorashooyinka Puntland oo uu sheegay inaan Madaxwayne Siciid deni kala tashan.

Halkan Hoose ka akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxwayne ku xigeenka  Puntland oo uu  kaga soo hor jeestay wada hadalkii nabadeed ee Madaxwayne Deni ugu baaqay Soomaaliland in ay kala galaan ay dhulka ay Puntland isku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here