Qaar ka mid ah dadkii lagu la’aa qaraxii Ex-Control Afgooye oo nolol lagu helay

qarax exkontorool afgooye2

Guddiga gurmadka Qaranka ayaa mar kale waxa ay warbixin ka soo saareen qaraxii sabtidii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Warbixinta guddiga gurmadka qaranka ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in 24 ruux oo la weysanaa, 6 ka mid ah la helay ayaga oo caafimaad qaba, halka qof kalena isaga oo dhaawac ah la helay.

Guddiga ayaa sidoo ale sheegay in la helay meydadka shan qof, waxaana weli maqan oo nolo lama geeri aan lagu hayn 12 qof.

Waxaa bilawday, sida gudiga ay sheegeen, wajiga labaad ee howlaha loogu gurmanayo shacabkii dhibaatada kasoo gaartay qaraxii Ex-kontorol Afgooye, islamarkaana ay shegeen in  dalka Qatar loo qaadayo dhawacyo kale, si halkaas logu soo daaweeyo.

Qaraxii ka dhacay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed

Weli ma jirto cidsi sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ka mid noqday kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca caasimada.

Si kastaba, hay’adda NISA oo maanta qoraal soo saartay ayaa ku eedeysay qaraxaas inuu ka dambeeyey dal shisheeye, oo aysan magacaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here