NISA oo shaacisay in qaraxii Ex-Control uu qorshihiisa lahaa dal shisheeye

NISA

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in qaraxii ka dhacay Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraal kooban oo NISA ay soo dhigtay barteeda twitter ayaa lagu yiri “Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed  loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye.

Qoraalka NISA laguma magacaabin dalka qorsheeyey qaraxa, waana markii ugu horreysay ee ay dowladda Soomaaliya dal shisheeye ku eedeyso qarax ka dhacay Muqdisho.

Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkiga, oo ah wargeys aad ugu dhow dowladda, ayaa qoray in dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Mohamed Bin Zayed Alnahyan uu amray qaraxaas, isaga oo beegsanaya Turkish-ka dhisayey waddada.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.”

Arrintan ayaa imaneysa ayada kooxda Al-Shabaab, oo inta badan sheegata qaraxyada Soomaaliya, aysan weli sheegin qaraxii Ex-Control oo ay ku dhinteen 81 qof.

Qaraxaas ayaa ahaa kii saddexaad ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya, kadib qaraxii 14-ka October ee 2017, iyo qaraxii Hargaha iyo Saamaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here