Home Blog Page 3

BAARLAMAANKA GHANA OO KORONTADDII LAGA JARAY

Baarlamaanka Ghana

Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii jartay sahaydii korontada ee baarlamaanka, kaddib markii lagu la haaday deyn dhan 23 milyan oo cedi Ghana ah oo u dhiganta ($1.8m; £1.4m).

Maqnaanshaha korontada ayaa hakad geliyay doodii ku saabsanayd khudbadii uu madaxweynaha jeedinayay.

Muuqaal ay faafisay warbaahinta gudaha ayaa muujinayay xildhibaano ku sugnaa qolka nalka iyagoo ku dhawaaqaya: “Dumsor, dumsor”, taas oo macnaheedu yahay koronto la’aan marka loo eego luqadda maxalliga ah ee Akan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye dib u soo celiyay korantada qolka dhowr daqiiqo ka dib. Laakin qeybaha kale ee xarunta baarlamaanka ayaa inta badan maanta koronto la’aan ahaa.

GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE PUNTLAND OO SI RASMI AH LOOGU DHAWAAQAY

siciid cabdilaahi deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u magacaabay Golihiisa Wasiirada Cusub.

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ayaa mar kale loo magacaanay Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo hore xilkan u hayay.

2. Wasiirka Amniga iyo DDR-ta ayaa mar kale loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin oo hore xilkan u hayay.

3. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Siciid Juxa oo isna hore xilkan u hayay.

4. Wasiirka Maaliyadda ayaa loo magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud oo hore uga soo shaqeeyay Nidaamka Maaliyadda Puntland.

5. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa loo magacaabay Daa’uud Maxamed Cumar

6. Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Fu’aad Abshir Axmed Adeer.

7. Wasiirka Caafimaadka ayaa loo magacaabay Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).

8. Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka ayaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac.

9. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha ayaa loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.

10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Bile Nuur.

11. Wasiirka Haweenka ayaa loo magacaabay marwo Maryan Axmed Cali.

12. Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir.

13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Axmed Shire Siciid.

14. Wasiirka Xannaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.

15. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

16. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.

17. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.

18. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa loo magacaabay Liibaan Muuse Cismaan

19. Wasiirka Gargaarka ayaa loo magacaabay Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

20. Wasiirka Beeraha ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiqaadir Saalax.

21. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa loo magacaabay Hodon Siciid Xasan.

WASIIR FIQI OO S/LAND KU EEDEEYEY ISKUDAYGII DIL EE UGAAS MAHIIGAAN

wasirr fiqi

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa markii ugu horreysay ka hadlay isku-deygii dil ee uu Muqdisho uga badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan).

Wasiir Fiqi ayaa Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi ku eedeeyay isku-deyga fashilmay ee la rabay in lagu khaarajiyo Ugaaska, oo isagu si adag uga soo horjeeda maamulka Biixi.

“Ugaas Mahiigaan oo kamid ah dhaqanka ka soo jeedaa Gobollada Waqooyi ayaa ka badbaaday shirqoolka kooxo taabacsan Maamulka Gobolada Waqooyi waxayna u geysteen dhaawacyo culus,” ayuu Wasiir Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhacdadaan uu la wadaagay hay’adaha amniga Soomaaliya, si baaritaan qoto dheer loogu sameeyo isku-deyga dil ee uu ka badbaaday Ugaas Mahiigaan.

“Waxaan la wadaagnay dhacdadaan hey’adaha amniga dalka si ay u baaraan kiiskan, sharcigana loo horkeeno kooxihii,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.

Eedeynta uu Somaliland u jeediyay Fiqi ee la xiriirta isku-deyga dil ee uu ka badbaaday Ugaas Axmed Saleebaan Shidde (Mahiigaan) ayaa imaneysa xilli uu Ugaaska afkiisa ka sheegay in kooxdii soo weerartay uu soo dirsaday maamulka Somaliland, gaar ahaan madaxweyne Biixi.

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in masuul ka tirsan Sirdoonka Somaliland uu soo wacay isaga oo ku wargeliyey in maalin dambe uusan ka badbaadi doonin raggii jir-dilka u geystay, haddii uusan faraha kala bixin arrimaha Somaliland.

“Shir jaraa’id ayaan qabtay maalin ka hor, waxaan cadeeyey in dadka reer waqooyiga ah ee Muqdisho lagu leynayo ay ka dambeeyaan Muuse Biixi iyo Ina Kaahin, ragga isoo weeraray taasbey ka duulayeen, xalayna waaba la ii cadeeyey oo waxaa la iga soo wacay Hargeysa,” ayuu yiri Ugaas Mahiigaan.

Ugaaskaan ayaa sheegay inuu qabo dhaawacyo daran oo dowladda Soomaaliya ama qabiil kale uusan u geysan, balse Muuse Biixi uu soo abaabulay, “waxaana beegsanaya Muuse Biixi oo dadka kala fogeynaya,” ayuu yiri.

XASAN SHEEKH OO DHULKA KU JIIDAY ABIY AXMED IYO MUUSE BIIXI

xasan sheekh abiy axmed muuse biixi

Somaliland ayaa ku dhex luntay Muqdisho iyo Addis Ababa tan iyo 1-dii Janaayo ee sanadkaan, markaas oo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu heshiis la galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Heshiiskaas oo Hargeysa isku deyday inay ku bixiso qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya. Maalintii uu heshiiska dhacay kadib mowduuca wuxuu isku beddelay Itoobiya iyo Soomaaliya ama labada dowladood ee fadhiya Muqdisho iyo Addis Ababa.

Dowladdaha caalamka ee heshiiskan ka hadlaya ama saxaafadda faaqideysa waxay dhamaan ka hadlayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Abiy Axmed. Halkan aanu ku jirin Muuse Biixi ama Somaliland.

Mareykanka marka ay ka hadlayeen heshiiskan, waxay sheegeen in gobolka Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland inuu weli ka tirsan yahay Soomaaliya, qadiyadda badduna ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si lamid ah waxa intaasi yiri Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dowladaha waaweyn ee ka hadlay heshiiskan.

Illaa hadda majiro dal heshiiskan waxyar oo taageero ah u muujiyay, Itoobiyana wuxuu ka lumiya garbihii siyaasadda arrimaha dibadda.

Marka laga hadlayo heshiiskan, sababta uusan caalamka usoo hadal qaadeyn Somaliland waa sharciyadda. Adduunka gobol waa kaalmeyn karaa, laakiin marka ay timaado qadiyaddaha sidan u waaweyn waxay istaagan boos u qalma dowlad ahaantooda, oo aan dhaawaceyn sharciyadda qoran ee caalamka.

Lama fileynin heerka fal-celinta ee Soomaaliya. Muqdisho ma aanay daahin diidmadeeda. Taas oo dib u durjisay dalalkii laga yaabi lahaa inay Itoobiya taageero u muujiyaan.

Muuse Biixi inkasta uu dhowr jeer ka hadlay heshiiska uu saxiixay ee muranka badan dhaliyay, haddana dhamaan dalalka daneynaya mowduucan marna ma xiggan hadalka Biixi, mana soo hadal qaadin, taasi oo dharbaaxo ku dhufatay maamulkan 33 sano raadinayay inay aduunyadda aqoonsato.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu taas caksigeeda kor usoo kacay dhowr darajo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, wuxuuna kale uu keenay dowladdo waaweyn oo heegan u ah inay Soomaaliya waqtiga adag garab istaagan. Waxaa kamid ah Turkiga.

Inkasta oo Ankara aanay hadda u xaydneyn inay dagaal la gasho Itoobiya, haddana heshiiska ayaa ilaalin faraya, Soomaaliya-na inta la jiitamayo waxay dhisan kartaa ciidan baddeed, iyada oo hub fiicana u heli karta, maadaama laga qaaday cuna-qabateyntii hubka.

Dhawaan wareysi uu bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reuters ayuu ku sheegay inuu dalkiisa is-difaaci doono haddii ay Itoobiya isku deydo inay xoog ku dhaqan-galiso heshiiskan, taasi oo hordhac u ah inuu dagaal saddexaad dhex-mari karo labada dal, haddii Addis Ababa tijaabiso inay xoog ku qaadan karto biyaha deegaanada Saylac iyo Lughaya ee Waqooyiga Soomaaliya.

MAREYKANKA OO BARIGA AFRIKA KA BILAABAY DHOOLATUS SOOMAALIYA KA MID TAHAY

dhoolatus bariga afrika

Dhoolatus Milateri oo uu hogaaminayo Mareykanka oo loogu magac daray “Justified Accord” ayaa maanta oo Isniin ah ka furmaya dalka Kenya, iyadoo in ka badan 20 dowladood ay ka qeyb qaadanayaan, taasoo ah dhacdadii ugu ballaarneyd ee nooceeda ah oo ka dhacda Bariga Afrika.

Dhoolatuskan oo socon doona muddo 11 maalmood ah, oo soo dhammaan doona Khamiista soo socota, ayaa looga golleeyahay in lagu kordhiyo diyaargarowga dalalka ka qeyb qaadanaya howlgallada nabad ilaalinta, wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo gargaarka bini’aadantinimo, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda ee SNTV iyo warbaahinta Kenya.

Tobaneeyo ka tirsan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaray ayaa ka qeyb qaadan doona dhoolatuskan, kaasoo mareegaha wararka sida gaarka ah loo leeyahay ee Kenyas.co.ke uu sheegay in ay isugu imaanayaan 1,000 askari iyo cutubyo ka kala socda 23 dowladood.

MASAR IYO ERITREA OO GO’AAN ADAG KA QAATAY DAMACA ITOOBIYA EE BADDA SOOMAALIYA

Isaias Afwerki iyo Cabdul Fattaax al Sisi

Madaxweynayaasha Eritrea Isaias Afwerki iyo Masar Cabdul-Fattaax al-Sisi ayaa ku kulmay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib markii Afwerki uu Sabtigii u safray dalka Masar, arrimaha ay ka hadleen waxaa ka mid ahaa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa shaaciyey in safarka Madaxweynaha dalkaas uu ku joogo Masar uu qaada doono muddo seddax maalmood ah, waxaana casuumay Madaxweynaha Masar Cabdul Fattaax al-Sisi.

Wasiirro ay ka mid yihiin Warfaafinta iyo Arrimaha Dibadda Cusmaan Saalax ayaa ka mid ah wafdiga Madaxweyne Afwerki ee booqashada ku jooga dalka Masar, waxayna madaxda dalkaas kala hadli doonaan arrimaha labada dal, kuwa caalamka iyo gobolka intaba.

Madaxweynaha Masar ayaa bishii hore wasiirkiisa arrimaha dibadda Asseed Sameh Shukri u diray dalka Eritrea, xiligaas ayaa casuumaada Masar la gaarsiiyey  Madaxweyna Eritrea Afwerki, waxayna maalmahaan ka hadli doonaan dagaalka sokeeye ee Suudaan, xaaladda Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Saxiixa heshiiska dekedaha ee Itoobiya iyo Somaliland ee bishii January, ayaa xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Itoobiya iyo guud ahaan gobolka, arrintaan si weyn ayey maanta u gorfeeyeen labada Madaxweyne ee Masar iyo Eritrea.

Warar laga baahiyey kulankii maanta ayaa xaqiijinaya in labada dal ay isku raaceen in si buuxda Soomaaliya loogu garab istaago ilaalinta madax-banaanida iyo wadajirkeeda dhuleed, waxayna ku balameen in Soomaaliya dhinac kasta uu u fidiyo garabka ay uga baahato.

UKRAINE OO DIYAARADII LABAAD RUUSHKA KA SOO RIDAY

diyaarad russia A 50

Ukraine ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad militari oo Ruushku leeyahay oo ah nooca A-50, taasoo ah tii labaad oo ay sheegato in muddo bil gudaheed ah ay soo riddy.

Diyaaradda ayaa lagu soo riday inta u dhaxaysa magaalooyinka Ruushka ee Rostov-on-Don iyo Krasnodar,meel 200km (124 mayl) u jirta jiidda hore, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militariga Ukraine ka tirsan.

Ciidamada gurmadka deg degga ah ayaa lagu soo warramayaa in ay degmada Kanevskoy ka heleen haraaga diyaaradda ayna damiyeen dab xooggan oo ka dhashay burburka.

Ruushka ayaan ka hadlin sheegashadaas. Maanta ayay ku beegan tahay laba sano markii uu Ruushku bilaabay duullaanka buuxa.

CADEYMO MUUJINAYA XIRIIRKII HORE EE CISMAANIYIINTII TURKIGA IYO SOOMAALIDA

xiriir hore turkey iyo soomaalida

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada dowlada Soomaaliya dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay kaas oo soo bilowday sanadkii -kii 2010-kii ka dib gurmadii Turkigu u soo gurmaday dad Soomaaliyeed oo abaar adag ku dhufatay.

Wuxuu Turkigu Soomaaliya ka caawiyaa dhanka ciidamada iyo kaalmo dhaqaale oo uu ku kabo miisaanaayida dowladda iyo heshiisyo iskaashi amaan oo uu ugu dambayey kii ay la saxiixdeen dowladda kaas oo ay ku ilaalinayaan xeebaha Soomaaliya.

Laakiin waxaa jirta taariikh soo jireen ah oo qarniyo ku fac ah oo ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaalida, taas oo u kala qaybsan labo qaybood oo joogitaan ah.

Boqortooyadii Cismaaniyiinta ee ka talin jirtay qaybo badan oo ka mid ah caalamka ayaa saamayn ku lahayd xeebaha Soomaaliya qarnigii 16-aad.

Axmed Ibraahim Cawaale oo bare ka ah jaamacada Hargeysa isla markaana ah qoraa xaga taariikhda ah ayaa BBC-da u sheegay in qarniyadii 16-aad ilaa 19- boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkigu ay joogitaan ku lahayd xeebaha Soomaalida, badda cas iyo Khaliijka Cadmeed.

Si la mid ah Cismaaniyiinta waxaa iyana xeebahaas kula loolamayeen quwado xiligaas u badnaa kuwa galbeedka oo ay ka mid ahaayeen, Ingrisiiska, Burtaqiiska iyo Itoobiyaanka.

Bilowgii qarnigii 16-aad ayuu Turkigu qabsaday Saylac isagoo eegayey Istaraatiijiyada ay leedahay uuna fursad ugu helo joogitankiisa albaabada marinka muhimka ah ee Baabul Mandab.

‘‘Ilaa qarnigii 19-aad waa si weyn loo dareemayey maamulkiisa Turkiga, wuxuuna lahaa joogitaan muuqda laakiin sanadihii 1873-kii ilaa 1884-lkii ayuu Turkigu raad muuqda ku yeeshay xeebaha Soomaaliya” ayuu BBC u sheegay taariikhyahan Axmed Ibraahim.

Dowladdii Masar oo qayb ka ahayd Boqortooyadii Cismaaniyiinta ayaa xiligaas si weyn u dareentay loolanka loogu jiray badda cas iyagoo soo nooleeyey Turkiga oo sheegan jiray badda cas.

‘‘Dowladii Ismaaciil Al-Khadawi oo ka talin jirtay Masar ayaa ogolaansho uga qaadatay dowladii Cismaaniyiinta si ay u qabsadaan xeebaha Soomaalida, laakiin heshiiska ayaa ku ekaa Seylac. Masaariduna waxay bixinayeen sanad kasta sideed iyo toban kun oo ganni. oo ay siinayaan Boqortooyada Cismaaniyiinta si ay u joogaan Seylac iyo xeebaha kale ” ayuu yiri Axmed Ibraahim.

Waxaa xusid mudan in ay Masaaridu xiligaas ahayd dowlad si qayb uga ahayd Boqortoodayada Cismaaniyiinta, haddana si uga yara madaxbananayd laakiin howlaha ay ka qabteen badda cas iyo xeebaha Soomaalida ayaa ah qayb loo tiriyo inay ka danbeeyeen boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Turkiga.

Raadadka Cismaaniyiinta ee ka muuqda Saylac iy Berber

SOOMAALIYA IYO CISMAANIYIINTII
Qoraalka sawirka,Noobiyada ay Cismaaniyiintu ka dhiseen magaalada Berbera

Sida uu BBC-da u sheegay taariikhyahan Axmed Ibraahim, raadadka ugu badan ee wali muuqda ee ay ka tageen Cismaaniyiintu waxay inta badan ka muuqdaan Berbera.

‘‘Waxaa ugu horeeyey ay soo kordhiyeen waxay ahayd nidaam canshuur uruurin ah, ka hor inta aysan dekedaha imaan waxaa canshuuraha lagu qaadi jiray nidaam qabaa’ileed. Waxayna dajiyeen nidaam canshuureed, waxaa kale oo la oran karaa waxay adeegsan jireen gacan bir ah, mararka qaarna dadkii xeebaha joogay ay ka cowdeen” ayuu intaas raaciyey Axmed.

‘‘Sidoo kale waxay sameeyeen kaabayaal muhim ah oo ay ka hirgaliyeen Berbera, sida dekad yar oo ilaa hadda la isticmaalo, masaajidka la yiraahdo kan Turkiga, Noobiyad (musawac), xabsi, iyo isbitaal, waxaa kale oo xusid mudan mashruuca biyaha ee Berbera” ayuu yiri Axmed.

Magaalada Bulloxaar waxay si lamid ah ka dhiseen mashaariic kala duwan xeryo ciidan, dekad iyo noobiyad yar.

Sida la mid ah Berbera iyo Bulaxaar, Boqortooyadii Cismaaniyiinta ee Masaarida ka qayb ahaayeen waxay goobo muhima ka dhiseen degamada taariikhiga ah ee Seylac.

Dhismayaasha ay ka hirgaliyeen Seylac waxaa ka mid ah, dekad, Noobiyad yar iyo mashruuca milixa oo ah mid aqoon weyn iyo farsamo ay galiyeen habka loo soo saaro milixda deeganka Tokhoshi oo u dhow Saylac.

CISMAANIYINTA IYO SOOMAALIDA
Qoraalka sawirka,Dhismayaashii Boqortooyadii Cismaaniyiintu ka hirgaliyeen Bula xaar

Xirirka hadda ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Soomaaliya iyo Turkiga

Dowladda madaxweyne Erdogan ayaa sanadihii ugu dambeeyay xiriir dhow la lahayd Soomaaliya.

In ka badan toban sano kahor, markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo xilligaas ahaa raysal wasaare, ayaa booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho, wuxuu xilligaas noqday hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee aan Afrikaan ahayn oo booqda Soomaalida.

Xilligaas Soomaaliya waxay wajaheysay xaalad abaar oo ba’an, waxaana booqashada Erdogan ay Soomaaliya kusoo jiidday indhaha caalamka.

Muhiimadda Turkiga ee Soomaaliya ayaa xilligaas ahayd in gargaar bani’aaannimo uu gaarsiiyo dadka ay saameysay abaarta, oo ahayd tii ugu ba’neyd ee soo marta Soomaaliya muddo 60 sano ah.

Si ay u fududaato gargaarka la gaarsiinayo dadkaas, wuxuu Turkigu bilaabay inuu mashaariic waddooyin iyo kaabayaal kale ka hirgeliyo dalka, iyadoo safaaradda Turkigana laga furay Muqdisho.

Ururrada dowladiga ah iyo kuwa bulshada rayidka ee Turkiga ayaa gargaar bani’aadannimo gaarsiinayay Soomaaliya, iyagoo dhisayay iskuullo, deeq waxbarashadana siinayay ardayda Soomaaliyeed.

“Xiriirka labada dal wuxuu so billowday sanadkii 2011 ka dib booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweyne Erdogan, halkaas waxaa ka billowday xiriir dhowr weji leh oo iskaashi dhanka horumarka, bani’aadannimada iyo baayac-mushtarka, dhaqaalaha,” ayuu yiri Cabdiweli Sayid oo falanqeeya arrimaha xiriirka caalamiha ah.

Wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay waayadii dambe qeyb weyn ka ahayd dhisidda hay’adaha dowladda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, ciidanka dolwadda.

“Sidaan ka war qabno Turkiga waxay Muqdisho ku leeyihiin saldhig weyn oo lagu tababaro ciidanka Soomaaliya ee qeybta weyn ka ah sugidda amniga dalka. Marka waa xirir dhinacyo badan leh, Tukriga iyo Soomaaliyana la dhihi karo wax badan ayay ku kala faa’iideen”.

Iyadoo Soomaaliya ay caawinaad badan ka hesho Turkiga, faa’iidana ay ku qabto, waxaa isna dhankiisa Soomaaliya faa’iido ku qaba Turkiga.

“Soomaaliya waa dal ku yaalla Geeska Afrika, kuna yaalla mandiqad istaraatiiji ah, isla markaasna qeyb ka noqon kara danaha Turkiga, siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga ee sii xoogeysaneysay tan iyo intii xisbiga talada haya ee dalka uu yimid.

“Soomaaliya waa dal muhiim ah. Dalal fara badan oo aan Turkiga ahayn baana jooga. Turkiga wuxuu uga duwan yahay in Soomaalida iyo Turkigu ay danahooda qaranka ay is waafaqayaan oo ay wax kala faa’iidi karaan. Halka laga yaabo in dalal fara badan oo Soomaaliya daneeya ay iska hor imaanayaan danaha qaranka ee Soomaalida, taasoo khatar ku ah dib u dhiska Soomaaliya,”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO DHAQAALAHA EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA

madaxweyne xasan sheekh iyo sheekh aadan madoobe

“Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya.

Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna.

Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

DAAWO HAWEENKA AWDAL OO KA DHIIDHIYEY MAAMULKA GOONI-U-GOOSATKA SOMALILAND

Haweenka Maamulka Awdal State ayaa si adag uga horyimid Maamulka Gooni-u-goosatka ee Somaliland oo degaamadaas mudo 33 sano ah xoog ku haystay.

Daawo Hadaladda qiirada leh ee ay u direen ragooda oo ay sheegeen inay hagradeen.

QORAALADDII UGU DAMBEEYEY