ALSHABAAB OO SHEEGTAY WEERAR LAGU DILAY TALIYIHII NISA EE GEDO

bakaal kooke

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar lagu dilay taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka (NISA) ee gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan (Bakaal Kooke), sida ay sheegtay warbaahinta ku hadashada Afka Al-Shabaab ee SomaliMemo.

Taliyihii Hay’adda Nabad-Sugidda gobolka Gedo ayaa lagu qarxiyay tuulada Suul Alle oo ku dhow degmada Luuq.

Hawlgal ay Al-Shabaab ku sheegtay inuu ahaa mid qorshaysan ayaa waxaa lagu dilay taliyihii ugu sareeyay sirdoonka Gedo.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli dagaalka ka dhanka ah kooxda A-Shabaab ee ay dowladda Soomaaliya iclaamisay uu weli socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here