BIDEN KU GUULAYSTAY MAGACAABISTA XISBIGA DIMUQRAADIGA AH EE DOORASHADA MARAYKANKA

trump iyo biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa xalay ku guuleystay magacaabista musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga uga qeybgali doonaan doorashada madaxweynaha ee bisha Novermber.

Biden waxa uu la kulmay mucaarad magac u yaal ah, si uu u noqdo musharraxa Dimuqraadiga, waxaana uu xalay ka gudbay tiradii ergada ee looga baahnaa oo aheyd 1,968, sida ay qortay Reuters.

Dhanka kale, Trump wuxuu kaga adkaaday doorashada xisbi Jamhuuri dhowr musharrax doorashooyinkii hordhaca ahaa, oo ay ku jiraan safiirkii hore ee Qaramada Midoobay Nikki Haley iyo guddoomiyahaa gobolka Florida Ron DeSantis.

Musharixiinta kale, oo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Trump, Mike Pence, ayaa isaga baxay doorahsada bilo kahor sababo la xiriira taageero la’aanta codbixiyayaasha oo sida muuqata intooda badan ay doorbidayaan Trump.

Labada musharrax, Biden iyo Trump ayaa si buuxda u ololeynaya siddeed bilood ka hor doorashada, iyaga oo midba midka kale ku weeraray fursad kasta oo suurtagal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here