FAAHFAAHIN DABKII XOOGANAA EE MAANTA KA KACAY BAKAARAHA

gubasho suuqa bakaaraha

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dabkii xooganaa ee maanta ka kacay suuqa Ganacsiga ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka dhacay khasaare naf iyo maalba leh.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay qarax la dhigay goob qashin ah oo ku taalla suuqa kadibna uu sidaas ugu sii fiday goobo kale, taas oo sababtay gubashada.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa dhacay kahor inta uusan kicin dabka, waxaana jira dhaawacyo kale, sida uu xaqiijiyay afhayeenku.

Sidoo kale waxaa jira khasaare baaxad leh oo uu gaystay dabka saaka qabsaday qayb kamid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

“Goobaha ganacsiga ee gubtay waa 12 boos, waana wax roon iyo wax toos u gubtay” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here