DALALKA MAANTA LAGA SOOMAY IYO KUWO AAN LAGA SOOMIN

ramadaan2

Dunida Muslimka ayaa ku kala qaybsan bilashada bisha Ramadaan ee sannadkan oo dalalka qaar ay sooman yihiin maanta, halka qaar kalena aan laga soomin.

Dalalka Khaliijka, Suuriya, Yemen, Masar Soomaaliya, Suudaan, Jibouti, Kenya iyo Turkiga ayaa ka mid ah meelaha maanta oo Isniin ah laga sooman yahay.

Halka dalalka Australia, Brunei, Indonesia, Malaysia, Singapore, Cumaan, Urdun Iiraan iyo qaar kale ayaan maanta laga soomin. Waxayna soonka billaabi doonaan maalinta talaadada ah.

Sidoo kale waxaa inta badan kala sooma dadyowga Shiicada ah ee Ciraaq iyo Lubnaan sababo la xiriira aragtiyo diimeedawgeed.

Ramadaankan ayaa ku soo aadaya xilli dagaal ba’an uu ka socdo Falastiin, halkaas oo Qaramada Midoobay ka digtay in ku dhawaad ​​afar meelood oo meel dadka reer Gaza oo dhiganta in ka badan nus malyuun qof ay wajahayaan macaluul daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here