ASKAR BADAN OO KU DHIMATAY QARAXII MAANTA EE KULLIYADA JAALLE SIYAAD

qarax muqdisho 2272019

Waxaa isa soo taraya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax ismiidaamin ahaa oo saaka ka dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee magaalaa Muqdisho, kaas oo lala beegsaday ciidamo ku sugnaa gudaha Xeradaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyay qof soo xirtay jaakadda qaraxyada, isla-markaana ku sugnaa gudaha, kaas oo beegsaday ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaallo xeebeedka Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamadan ayaa la sheegay in magaalada caasimada ah ee Muqdisho loo keenay in lagu sameeyo dib u habeyn iyo qalabeyn intaba, si ay uga qayb qaataan howlgallada socda.

Wararka ayaa intaasi kusii daray in xilliga uu qaraxu dhacayay ay ciidamadu ku jireen saf dheer, taas oo keentay in meesha uu ka dhasho khasaare xoogleh.

Qofka is qarxiyay ayaa la sheegayaa inuu kamid ahaa dadka ku sugnaa xerada mana cada sida ay ugu suuragashay weerarkan oo lagu beesaday xero muhiim ah.

Saraakiil amni ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qaraxan ay ku dhinteen ku dhowaad 30 askari, halka ay ku dhaawacmeen 60 kale oo kamid ahaa ciidamada ku sugnaa gudaha xerada.

Dhanka kale taliyaha ciidanka guutada 14-ka October, Cabdiraxiin Muunye oo u warramay warbaahinta gudaha ayaa shaki xoogleh ka muujiyay qaraxan, isaga oo sheegay in Al-Shabaab lagala shaqeeyay weerarkan, loona fududeeyay, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here