BEESHA CAALAMKA OO MUUSE U QUUS GOYSAY IYO UK OO LUQAD ADAG KULA HADASHAY

beesha caalamka2

Beesha caalamka ayaa si adag ugu celisay in Hogaamiyaha Maamulka Hargeysa Muuse Biixi Cabdi uu ciidamadiisa ka qaado duleedka Laascaanood, si deg deg ah oo shuruud la,aan ah, iyagoo muujiyey sida ay uga xun yihiin fulin la,aanta qaadista Ciidamada.

sidoo kale Boqortooyada ingiriiska ayaa muujisay, mowqifka cad ee arinta Laascaanood ka taagan tahay oo ah ciidamada oo laga qaado.

Qoraalka ayaa sidan u qoraa:

Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay ee Somaliland.

“Saaxiibada waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Saaxiibada ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laascaanood, kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii tobanaad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.

Waxay sheegeen in farriin taas la mid ah ay la wadaageen dhinacyada kale ee ku lugta leh dagaalka ee aan aheyn Somaliland.

“Dhinacyada ugu waa weyn ee dirirtu ay ka dhaxeyso ayaa marar badan si shaacsan u ballan qaaday xabbad-joojin iyo wada-hadal, balse weli ma aysan fulin ballan-qaadyadaas. Saaxiibada waxay ku baaqeen dabacsanaan iyo muujinta tanaasul si loo oggolaado saaxad wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waxay saxiibada caalamku sheegeen inay gacan ka gaysanayaan helidda marinno ku wajahan nabad la joogteyn karo, oo ay ku jirto inay gacan ka gaysanayaan fududeynta wada-hadallada.

“Saaxiibada waxay soo dhoweynayaan dadaallada iyo hindisayaasha ay wadaan jilayaasha gudaha iyo kuwa gobolka ee lagu xaqiijinayo xabbad-joojin laguna fududeynayo wada-hadallo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, saaxiibada caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhiimadda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland.

“Waxaanu ku casuunay Madaxweynuha inuu daabaco khariidad doorasho, oo uu caddeeyo nidaamka iyo wakhtiga doorashadu dhacayso, si loo ogolaado diyaargarow farsamo. Tallaabooyin la taaban karo ayaa loo baahan yahay si loo xaqiijiyo in doorashadu u dhacdo sida ugu dhakhsaha badan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay uga mahad-celiyeen madaxweyne Muuse Biixi ballan-qaadyada ku aadan inuu diyaar u yahay inuu raadiyo nabadda iyo wada-hadalka.

“Waxa kale oo aanu xusnay ballanqaadka madaxweynaha ee ah in la oggolaado gargaar bani’aadannimo oo aan la xanibin la gaarsiiyo Laascaanood. Waxaan rajeyneynaa in dhammaan ballan-qaadyadaas la dhaqan-geliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ugu dambeyn saaxiibada caalamka ayaa sheegay inay ka niyad-jabsan yihiin in madaxweyne Muuse Biixi aanu ballan-qaadin in lasoo saaro ciidamada Somaliland ee fadhiggeedu yahay hareeraha Laascaanood.

VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here