Xaflad ka qabsoontay Qasriga St James Palace ee magaalada London ayaa lagaga dhawaaqay Charles III inuu yahay Boqorka UK.
Charles ayaa noqonaya Boqorka cusub kadib geeridii ku timid hooyadii BoqoradII Elizabeth II. Kulan taariikhi ah oo Sabtidi dhacay ayaa waajibaadkiisa lagu shaaciyey.
Inta uu socday kulanka Golaha xilwareejinta, Boqorku waxaa uu ansixiyey in maalinta aaska Boqoradda ay noqon doonto maalin fasax ah, inkasta oo aan la garanayn goorta uu aasku dhacayo.
Waa markii ugu horreysay oo munaasabaddaasi taariikhiga ah telefishiinka si toos ah looga baahiyo.
Xoghayaha Golaha xilwareejinta Richard Tilbrook wuxuu ku dhawaaqay Charles inuu yahay “Boqor, Madaxa Commonwealth, difaacaha waxa ay dadku aaminsan yihiin”, ka hor inta uusan ku dhawaaqin odhaahda ah “Ilaahey Boqorka ha badbaadiyo.”
Hoolka munaasabadda lagu qabtay oo ay buux dhaafiyeen siyaasiyiin sarsare, garsoorayaal iyo mas’uuliyiin ka socotay qasriga madaxtooyada ee London waxay iyaguna ku celiyeen Odhaahdii xoghayaha uu Boqorka ugu duceeyey.
Wuxuuna Boqorku carrabka ku dhuftay, “Waajibkii ugu murugada badnaa uu qaado inuu ahaa inuu ku dhawaaqo geerida hooyadiis.”
Wuxuuna yiri: “Waan ogahay sida qotada dheer ee ay umadda oo dhan, waxaanna filayaa inaan oran karo adduunka oo dhan, naxariista ay ka muujiyeen khasaaraha aan laga soo kaban karin oo dhammaanteen na soo gaaray.”
“Waxayna ii tahay tacsi aad u weyn oo ii suuragelisay inaan ogaado naxariista ay dad badani u muujiyeen walaasheey iyo walaalahay.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay 200 oo xubnood oo ka tirsan Golaha Gaarka ah oo uu ka mid yahay Ra’isal wasaarayaal hore Boris Johnson, Theresa May, David Cameron, Gordon Brown, Tony Blair iyo John Major.
Waxyar kaddibna, dibadda Qasriga St James waxaa isqabsaday sacab iyo mashxarad waxayna dadku ku dhawaaqayeen odhaahda ah “Ilaahey Boqorka ha badbaadiyo” ka hor inta ay dadka goobtaa ku sugnaa oo dhan ay qaadin heesta astaanta u ah qaranka.
Goobta Munaasabadda lagu iclaaminayey Boqorka ay ka dhaceysay in Kaameerooyinka lala soo galo si shacabka ay ula socdaan sida ay wax u dhacayaan waxaa go’aankeeda lahaa Boqorr Charles III.
Boqorka cusub wuxuu booqasha diirran uu ugu tagay naxashka hooyadii, laakiin taa waxay Charles u ahayd barta uu ka billaawday xukunkiisa.
Ka hor inta uu Boqor Charles ka qayb galin kulanka Golaha xilwareejinta ee ay siyaasiyiinta iyo dadka bulshada dhexdeeda caanka ka ah ka midka yihiin wuxuu ku dhawaaqay noloshiisa inta ka dhiman inuu Boqorrnimo uu ku adeegayo.
Waxay ahayd caado isku-dhafan iyo wax-ku-oolnimo dastuuri ah.
Charles ayaa hadda ah hoggaanka dalka ugu sarreeya waana astaan muuqata oo muujineysa kala wareegidda xukunka.
Waxaana Boqorka xilka kala wareegi doono wiilkiisa Amiir William, sida uu dhigayo nidaamka ay Boqorradu xilka isugu wareejiyaan.
Munaasabaddaasina waxaa lagaga dhawaaqay maalinta Boqoradda la aasayo iney noqon doonto maalin fasax qaran oo dalka oo dhan la geliyo.
Halka Boqorkana uu dusha saartay mas’uuliyad aad u weyn isaga oo ballan qaaday inuu racayo waddadii ay Boqoraddu martay. Waana xil iisu dhiibid abid socon doono.