Fal dad badan ay ka argagaxeen ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan miyi ah oo ku yaalla xadka ay wadaagaan gobolka Galguud ee Soomaaliya iyo dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Falkan ayaa waxa lagu dilay shan carruur ah, kuwo kalana lagu dhaawacay, sida ay dadka deegaanka sheegeen.
Xilliga uu falku dhacayay ayaa wararku sheegayaan in carruurtu ay jiifeen dugsi qur’aan ay dhiganayeen. Dadka deegaanka ayaa dhacdadaan ku eedeyay meleeshiyaad ka soo jeeda deegaanno ka tirsan Galmudug oo xadka ka soo tallaabay.
Maxamed Daahir Muuse, oo kamid ah waalidiinta carruurta la laayay ayaa BBC ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd mid aad u foolxun oo ay dadka la yaabeen.
“Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ka dhacay shil aad iyo aad u foolxun oo xaquuqul insaan iyo bina’aadanimadaba ka baxsan, waxaa shilkaasi lagu dilay 5 caruur ah oo yaryar ah oo ah arday dugsi quraan ah dhiganayay” ayuu yiri Mr Maxamed.
Maxamed Daahir Muuse ayaa xusay in dhacdadan ay ka dhacday labo tuulo oo ku taalla dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
“Waxay ka dhacday labo qabale oo lagu kala magacaabo Furunta-foore iyo Qorof dhexdooda dowlad deegaanka degmada Gallaadi ee gobolka Doollo, halkaa dadka ku dhintay-na waa ilaa 5 ilmood,” ayuu intaa ku daray.
Caruurta la laayay ayay da’dooda u dhaxeysay ilaa 7-14 jir. “Shanta ilmood midka u wayn waa 14 jir, 12 jir, 13 jir ilaa 7 jir iyo 8 jir-na ay ku jiraan,” ayuu yiri.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ilaa iyo iminka la la’yahay dhowr ilmood oo loo maleynayo in ay afduubteen kooxdii falka geystay, halka kuwa kale ay dhaawac yihiin.
“Qaar ka mid ah caruurta waa la la’yahay oo waa la afduubtay ilaa saacadan gacan laguma hayo, qaar badana waa dhaawac oo waxa lagu hayaa deegaanka Dhabad oo la soo gaarsiiyay,” ayuu yiri Maxamed Daahir Muuse, oo ka mid ah waalidiinta carruurta la laayay.