Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka aroortii dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Gorgor ku lahaayeen deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan.
Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in labada dhinacba u khasaare ka soo gaaray dagaalka, inkastoo dhinaca milatariga Soomaaliya uu sheegaya in ciidankooda aysan jirin wax dhimasho ah.
Afhayeenka milateriga Somalia Gen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa BBC-da u sheegay in weerarka ay ka sii warhayeen oo ay iska difaaceen.