CIMILADA KULUL OO SAAMEYSA CAAFIMAADKA CUNUGA CALOOSHA KU JIRA

uur

Daraasad dhawaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in haweenka uurka leh ee ka shaqeeya dhulka aadka u kulul ay dhibaato soo gaarto ilmaha ay caloosha ku sidaan.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara cimilada kulul waxaa kamid ah: sare u kac ku imaada garaaca wadnaha canugga caloosha ku jira iyo in uu hoos u dhaco qulqulka dhiigga ee xuddunta canugga.

Cilmi-baarayaasha waxay sheegeen in loo baahan yahay in lala yimaado tallaabooyin wax ku ool ah si loo ilaaliyo haweenka uurka leh ee dhibataada kala kulma saameynta isbeddelka cimilada.

Sababtoo ah isbedelka cimilada wuxuu horseedaa in uu sare u kaco heer-kulka, dhibaatadan ayaana ah mid caalami ah.

Daraasaddan oo lagu daabacay majaladda “The Lancet Planetary Health” ayaa shaaca ka qaadday in sare u kac kasta oo ku yimaada heer-kulka uu boqolkiiba 17% saameeyo ama kordhiyo welwelka oo dhibaato u keeni kara ilmaha caloosha ku jira.

Inkasta oo daraasad lagu sameeyay saamaynta kulaylka uu ku yeesho haweenka uurka leh ee ku nool dalalka horumaray, haddana waxaa la rumaysan yahay inay tahay markii ugu horreysay ee cilmibaaris diiradda lagu saaro saamaynta kulaylka badan uu ku reebo hooyada uurka leh gaar ahaan kuwa ku nool waddamada dhaqaalahoodu hooseeyo.

Tusaale ahaan, hooyooyinka uurka leh ee ka shaqeeya beeraha uu ka baxo bariiska ee gobolka West Kiang ee dalka Gambia waxay muddo siddeed saacadood ah ku shaqeeyaan qorraxda iyagoo guraya dalagga.

Heerkulka halkaas wuxuu gaaray ku dhawaad ​​45°. Inta lagu jiro xilli-roobaadka, waxaa jira kuleyl daran.

Khubarada, oo kaashanaya aaladaha casriga ah ee ultrasound-ka ayaa duubay isla markaana wax ka ogaaday garaaca wadnaha canuga ku jira caloosha hooyada.

Waxaana sidoo kale baaritaanka diiradda lagu saaray markii ay hooyooyinka ay bilaabeen shaqada ilaa tan iyo markii ay dhammeeyeen. Cilmibaarayaasha waxay sidoo kale eegayeen saameynta uu ku leeyahay hooyooyinka uurka leh, waxay ku arkeen , madax xanuun, daal iyo lalabo

Dr. Ana Bonell oo ah madaxa baaritaanka u qaabilsan xarunta LSHTM, ayaa sheegtay in boqolkiiba 33 ay ilmaha caloosha ku jira ay ku arkeen in uu cadaadis dareemay.

“Aad ayaan uga naxay markii aan ogaannay in ilmaha caloosha ku jira uu saameyn kala kulmay kuleylka daran”.

“Canuga caloosha ku jira, waxaan ku aragnay in garaaca wadnahiisa uu kordhay ilaa xad uu gaaray, waa xaalad aad halis u ah”.

“Waxaan sidoo kale aragnay saameynta wareegga dhiigga uu ku yeeshay kuleylka gaar ahaan xuddunta oo ah halka canuga uu ka quuto” ayuu tiri Dr. Ana Bonell.

Dhakhtarka Bonell waxay sidoo kale sheegtay in isbaddallada cimilada ayaa sheegtay in hooyooyinka uurka leh ee dhibaatada kala kulma kuleylka ay dhalin karaan ilmo xanuunsan ama kuwa dhicis ah.

“Waxaan rajeyneynaa in cilmi-baaristan ay badbaadin doonto haween badan iyo ilmahooda, waa in sidoo kale laga hortaggaa dhibaatooyinka ka dhasha isbaddallada cimilada”.

Dr Bonell waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in cilmi baaris dheeraad ah lagu sameeyo sida kulaylka ba’an uu u saameyn karo wareegga dhiigga ee ilmaha ay ku siddo caloosha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here