CIRRO IYO FAYSAL DOORASHADA MADAXTOOYADA MUUSE MA KU KHASBI KARAAN?

cirro faysal muuse

Waxaa gebagebo maraya qaadashadda kaadhadhka doorashada Somaliland, taas oo aanay weli cadeyn nooca doorasho ee lagu gelayo ee soo horeynaysa sida tii Madaxtooyadda ee dib u dhacday iyo tan Ururadda oo aan weli hab sharciyeedkeedii dhameystirayn.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu doonayaa inuu soo horeysiiyo oo qabto Doorashadda Ururadda si uu u soo saarto labo xisbi oo la mid ah kuwa Mucaaridka ee Jabuuti, halka Musharax Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe ay ku hadaaqayaa in la soo horeysiiyo oo la qabto doorashaddii Madaxtooyadda ee dib u dhacday, hadaba suaasha taagani waa CABDIRAXMAAN CIRRO IYO FAYSAL IN DOORASHADA MADAXTOOYADA LASOO HOREYSIIYO MUUSE BIIXI MA KU KHASBI KARAAN?

Jawaabtu waa maya, Waayo? Cabdiraxmaan Cirro maaha nin leh awood, ku dhac iyo adkaysi uu ku hogaamiyo mucaaradad adag oo gilgisha Muuse Biixi oo aan maanta cago ku taagnay oo Jamaahiirta SSC riftay, halka Faysal Cali Waraabe Xisbiga UCID u yahay biibito uu ku shaqeysto, marka la murmana aakhirka wuxuu raacaa ninka markaas Madaxweynaha ah oo jeebka wax u geliya, dhanka kale Garxajis wuxuu xusuusan yahay dagaalkii 1994 iyo xasuuqii 11 Augosto 2022 dhalinyaradda banaanbaxaysa loo geystay, Cabdiraxmaan Cirrona waxay u arkaan Cambe-cambe aan waxba dhacsan karin, sidaasdarteed waxay u dhowdahay inay dan qaataan oo nabadgelyadda ilaashadaan, arinta kale ee u sii quus-goynaysaa waa caqliga Madaxweyne Muuse Biixi oo cid isbarta mooyee aan wanaag iyo tudhaale lahayn, islamarkaana aaminsan inuu Garxajis 1994 ka adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here