Mudaharaad Xoog leh ayaa maanta ka dhacay Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo iyadoo ay Shacabku taayiro ku gubeen Suuqyada waaweyn, Halka Maleeshiyaadka Muuse Biixi u Shacabka rasaas nool ku ridayeen.
Dhanka kale Dagaallo culus ayaa ka soconaya Deegaano u dhow Buurta Gacan-Libaax halkaas oo ay isku hor fadhiyeen maalmahan Jabhadda La magac baxday Dulmi-diid iyo Maleeshiyaadka ka amar qaata Muuse Biixi oo maanta weerar ku qaaday Jabhadda halkaas fadhida.
Xaaladda Gudaha ee Maamulka Somaliland ayaa maraysa halkii ugu xumeyd iyadoo laga qabsi qabo in dagaalku ku faafo degaano hor leh.