Dagaallo culus oo aan habeen iyo maalin kala lahayn ayaa maalintii 10aad ka socda Magaaladda Laascaanood hareeraheeda. Dagaalkan oo u dhaxeeya Ciidamda Maamulka Hargeysa iyo Jamaahiirta xaq u dirirka ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaan mararka aan waxba laysu reeban.
Inta badana waxaa weerarka soo qaada Ciidamada Somaliland, balse waxay far kala bixi layahiin Jamaahiirta degaanka, kuwaas oo si geesinimo leh u difaacaya shacabkooda iyo degaamadooda, iyagoo mararka qaarkood qoryaha yar yar ula taga goobaha Magaalada laga soo duqeynayo halkaas oo ay ku dilaan saraakiisha Ciidanka Somaliland hogaaminaysa.