Dagaal culus ayaa ka socda Magaalada Laascaanood, kaas oo u dhaxeeya Ciidamada Xaq u dirirka SSC iyo Maamulka Hargeysa ee sheegta Somaliland, waxaana madaafiic kala duwan lagu garaacay goobo kala duwan oo magaalada ah.
Maleeshiyadda Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi oo lagaga adkaaday dagaalka goobaha ayaa iminka caadeysatay inay duqeeyaan goobaha dadka shacabka ahi ku dhaqan yihiin.