DAWLADDA FEDERAALKA OO KA HADASHAY EEDAYNTA DAGAALKA LAASCAANOOD

kacdoonka ssc

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay mowfiqkeeda ku aaddan colaadda ka aloosan magaalada Laascanood ee gobolka Sool, kadib markii mid ka mid ah hoggaanka dhaqanka deegaankaas uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay garabsiineyso ‘duqeynta Somaliland’.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay magaalada Nayroobi ayaa eedeynta jeediyay, isaga oo si gaar ah u eedeeyay madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ciidamada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo kuwa SSC KHAATUMO ayaa halkaas ku dagaallamaya muddo ku dhow 6 bil.

Dadka deegaanka ayaa doonaya in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan dhammaan deegaankooda iyo inay qeyb ka noqdaan dowladda Soomaaliya, halka Somaliland ay ku adkeysaneyso inay iyadu mas’uul ka tahay dhammaadka waxa loogu yeero ‘xuduudaha Ingiriisku’ ka tagay ee Somaliland la isku yiraahdo.

Colaadda oo muddo dheer socota ayaa sababay khasaare nafeed oo ballaaran iyo mid dhaqaale, iyada oo ay dadka rayidka badidood ka qaxeen guryahooda iyo hantidooda magaalada Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys oo ay BBCdu la hadashay kadib eedeynta Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku celiyay mowfiqka dowladda ee dagaalka Laascaanood.

Waxa uu sheegay in dowladda federaalku ku howlan tahay dedaal xal loogu raadinayo dagaalka siddeed bil ka taagan halkaas, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Waxa uu Wasiir Daa’uud Aweys intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeyso Somaliland inay joojiso duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Laascaanood, isaga oo labada dhinac ugu baaqay wadahadal.

Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin wax-iska-bededlay mowfiqka dowladda ee ay horey u sheegeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horey ula kulmay qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Sool oo Muqdisho tagay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here