DHAQANKII GARXEJIS OO KA BAXAY SALAADIINTII MUUSE BIIXI LAASCAANOOD U SOO DIRI LAHAA

Guddiga garxejis

Dhaqanka Beesha Garxejis ayaa ka baxay ergo ka kooban madax-dhaqameedka Hargeysa oo Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi doonayey inuu Laascaanood si ay xal ugu raadiyaan jabka ka soo gaaray dagaalka shacabka SSC iyo Maamulka Muuse.

Sida xoguhu sheegayaan Madaxdhaqameedkii ka socday beesha Garxajis ayaa sheegay in aanay raacayn ergada loo diray nabada Laascaanood, iyago oo ku dooday in markii xukuumada Muuse ku laysay shacabkii ka soo jeeday beesha Garxajis mudaharaadkii ay Hargaysa iyo Burco ka sameeyeen ee ku saabsanaa arimaha doorashooyinka aanay cidna arinkaasi kala hadal.

Muuse Biixi oo ka hadlay hakadka ku yimid ergada ayaa sheegay in ay ahayd in ergadu manta baxdo balse cid aanu magacaabin ayuu sheegay inay shuruud ku xidheen “Maanta waxay ahayd In Madax dhaqameedku u baxaan nabadda Laascaanood waxaa hakiyay wax aynaan filayn, Waxa shuruud ku xidhay nin dan leh, maantana ma ahayn maalin nabada dan gaara laga horaysiiyo”.  Ayuu Muuse Biixi oo ka hadlay hakadka ku yimid ergada.

Marka Madaxdhaqameedka Garxejis laga reebo, Madaxdhaqameedka kale ayaa ah kuwo ku caan baxay u adeegida Muuse Biixi, kuwaas oo aanay macno sameyn doonin la kulankoodu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here