Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo lagu helay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.
Saddexda nin ee saaka dilka toogashada ah lagu lagu fuliyay ayaa lagu helay inay qaraxyo ku dileen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kale, waxa ayna Fulin Sugayayaal ahaayeen ilaa 2019-kii, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda.
Nuur Ibraahim Mahad Alle (Nuur Weyne), Xasan Cali Macalin Barre (Boy) iyo Isaaq Keerow Aadan (Masaar) ayaa lagu kala sheegay magacyadooda.