DHALINYARADDA BEELWEYNTA GARXAJIS, Sidaad taariikhda ku maqasheen Somaliland ka hor Beesha Garxajis waxay ka mid ahayd Beelaha Soomaali ugu taariikhda weyn, ugu tallo-qabeensan, ugu degaan balaaran, ugu maalqabeensan.
Karaamadaas iyo sharaftaa aad lahaan jirteen, baa sababtay in Gumeysigii Ingiriisku idiinka xishoodo oo tallada idin weydiiyo, markii Xornimadda la qaatay dowladdihii Soomaaliyeed marna ma dafirin maqaamka Garxajis.
Nasiib darro waxaad bilowdeen dagaal aad sad dheerada ugu raadinaysaan Isaaq, waxaad u hurteen xooggiinii, naftiinii, maalkiinii iyo sharaftiinii, dagaalkaas waxaa idiin kaga dhintay wiilashii saraakiisha ahaa ee Soomaali ugu fiicnaa oo xitaa Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre qiray qiimahooda iyagoo la dagaamaya, kuwaas oo badankooda iyagoo dagaalamaya Muuse Biixi Ina Kaahin iyo kuwo la mid ahi dhabarka ka toogteen ama basaaseen.
Mirihii dhiiga saraakiishiinii, caqligiinii iyo maalkiina ku baxay waxaa gurtay kuwo taariikhdiina iyo sharaftiina ku ciilqabay, 30 sano ee aad lahaydeen aan Somaliland dhowro waxay idiin urursanayeen Maleeshiyo ay doonayeen inay idiinku caburiyaan ama idinku xasuuqaan, cadowtinimadii 11 Augost waa markhaati cad.
Dulmigii ay idinla damacsanayaan Ilaahay DARAAWIISHTII BOQORTOOYADDII INGIRIISKA CUNTAY buu u diray, kuwaas oo fashiliyey Gacan-ku-dhiigleyaasha dhiigiinu u hilaacayey, maanta Muuse Biixi way qaawiyeen, caalamka oo dhan baa indhaha ku hayo, nin waalan oo xasuuq u hamuumaya baa la qoray, Somalilandtii Cabdiraxmaan Tuur taageyna Ina Biixi iyo Ina Kaahin baa god dheer ku riday, gacmahooda bay ku burburiyeen.
Sharafta iyo dadaalka intaas leeg ee daalimiinta lagu wiiqay waxaa dhaliyey dhalinyaradda Laascaanood oo tashaday dabadeedna iska xoreeyeen Isimaddii, odayadii iyo Siyaasiyiintii dhiigooda, sharaftooda iyo Mustaqbalkooda gadan jiray. Maanta Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi miciyihii bay ka saareen, aduunkana waa ku ceebeeyeen, Magaaladoodii iyagaa gacanta ku haysta.
Dhalinyaradda Libaaxdii Geeska Afrika ee GARXAJISOW, Waxaa idiinla gudboon inaad ku dayataan dhalinyaradda Laascaanood, oo aad sharaftiinii soo ceshataan, ka xorooba jileeca Cabdiraxmaan Cirro iyo Odayaasha talaxumadda maalinba buur idin saaraya, qurbajoogta lacagta ka guranaya, markii Muuse Busteynayo oo gacanta hoos uga dhiibana odhanaya aamusa Muuse biixi dabadiis baa Cabdiraxmaan Cirro la dooranayaaye.
30 bishan haddii doorashadda la qabanayo ay Ina Biixi iyo Ina Kaahin cadeyn waayaan, Somaliland reerka ugu degaanka balaaran inaad muujisaan waxaa ku fulin 100 gabdhood oo siidhi ka afuufa Burco, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Berbera, ciidan dambe oo Muuse Biixi iyo Ina Kaahin reer Xasuuqa ka yeelayaana ma jiro, maanta sharaftiinii iyo karaamadiinii inaad soo ceshataan waxaa idiinka xigga siidhi aad ku afuuftaan, xitaa inaad dhagax ku tuurtaan uma baahna waayo Laascaanood bay ku ceeboobeen, fursada aad maanta haystaana dib dambe idin soo mari meyso ee ka faaiideysta dagaalka korneyladu Dhulbahante kula jiraan, haddii dagaal Laascaanood dhamaado, sidii caadada ahayd baa Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi oo daba ordaya marba dhinac loo cayrsanayaa, carruurtana baabuurta la jiirsiinayaa. CADOWGIINA KOWAAD WAA KOOFIYAD BACLEYAASHIINA IDIIN HOODADEYNAYA, HORGALLADIINA IYO JILEECA CABDIRAXMAAN CIRRO.