Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo oo fariin uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa u hambalyeeyey guushii dhallinyaradda Soomaaliyeed ee da’doodu ka hooseyso 17 sano.
Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri: “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin hibo, adkeysi iyo karti ay kaga tilmaaman yihiin dhiggooda caalamka, sidaa awgeed waxay mudan yihiin in niyadda loo dhiso, mar walbana la garab istaago,”.
Fariimaha ugu badan ee lagu wadaagyo baraha bulshada ayaa ah hambalyada iyo bogaadinta, wiilasha xulka qaranka Soomaaliya ee shalay ku durduriyay dhigooda dalka Koonfurta Sudaan.