Waxaa shaaca laga qaaday liiska dadka Africaanka ah ee ugu saameynta badna sannadka 2022-kii. Dadkan oo 100 qof ka kooban ayaa waxaa loo soo xushay inay yihiin Afrikaankii ugu saameynta badnaa sannadkii tagay. Waxaa ka mid ah madaxweyneyaal, siyaasiyiin, cayaartooy iyo fannaaniin.
Waxaan halkaan idinkugu soo gudbinayanaa qaar ka mid ah 100-ka qof ee ku soo baxay liiska oo ay ku jiraan laba qof oo Soomaali ah.
William Ruto, madaxweynaha dalka Kenya
Guusha Madaxweyne William Ruto ee doorashadii Ogosto 2022 waxay ahayd mid muhiimad badan leh oo dhinacyo badan saameysay keliya Kenya ma ahan.
Waxa uu laba xilli madaxweyne ku xigeen u ahaa Uhuru Kenyatta madaxweynihii hore ee Kenya, balse markii labaad, Kenyatta waxa uu uga hiilay Raila Odinga, taas oo muujinaysay in la soo afjaray xifaaltankii tobannaanka sano socday ee u dhexeeyay labada qabiil ee ugu awoodda badan Kenya.
Markii la doortay waxa uu ballan qaaday in dhaqaalaha Kenya oo sanadaihii ugu dambeeyay liitay uu sare u qaadi doono. Waxa uu markasta ahaa qof isku kalsoon oo hadaf leh kaas oo markii dambe ka dhabeeyay in gaaro booskii uu hiigsanayay ee ahaa in mar uun uu Kenya madaxweyne ka noqdo.
Paul Kagame, madaxweynaha Rwanda
Waxa uu dalkiisa hoggaanka u qabtay sannadkii 2000, welina si hufan oo aan khilaaf ka jirin ayuu u maamuulaa isagoo isticmaalaya siyaasado dalkiisa barwaaqo u horseedi karo.
Dadka taageera madaxweyne Kagame ayaa waxa ay si khaas ah ula ashqaraareen siyaasadaha ku dhisan awoodda Afrika ay u leedahay inay heeri sare gaari karto taas oo sidoo kale soo jiidatay adduunka intiisa kale inkastoo dadka ka soo horjeeda ay ku dhaliilayaan in ay liidato ku dhaqanka dimuqraadiyadda ee Rwanada.
Waxa leeyahay hadfyo fog-fog oo la xiriira tignoolajiyadda, caafimaadka iyo wax soo saarka beeraha.
Sagal Cali
Iyadoo ka hadleysay dareenkeeda ku aaddan liiska ay kasoo muuqatay ayey baraha bulshada ku soo qortay: “Waan ku faraxsanahay in aan ku jiro liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badnaa dadka kasoo jeeda Afrika, sanadkii 2022.”
Waxa ay intaas ku sii dartay: “Waxaan u hambalyeynayaa dadka aan Afrikaanka isla nahay ee ku jira liiska, kuwaasoo qabtay shaqo cajiib ah.”
Sagal Cali waxa ay mar walba dareemeysay in ay ceeb tahay in Soomaaliya aysan lahayn urur u ololeeya hidaha iyo dhaqanka faneed ee hodanka ah.
Waxa ay haystaa dhalashada Netherlands waxayna aasaastay Somali Arts Foundation sannadkii 2020-kii si ay u taageerto una horumariso fanka Soomaaliyeed.
Waxay sheegtay in sababta ay u aasaastay ay tahay “baahida weyn ee loo qabay fanka casriga ah ee Soomaaliya”.
Waxay rajaynaysaa in uu fanka ka faa’iidaysto si uu u taageero uga helayaan dhalinyarada iyo bulshooyinka la hayb sooco si ay fikirkooda hal-abuurnimo, ugu muujiyaan iyada oo la raadinayo in la abuuro hindise taageeraya aasaaska hal-abuurka.
Ka hor intii aanay Sagal aasaasin, waxa ay Geeska Afrika ka shaqaynaysay dhawr sannadood. Waxay ahayd La-taliyaha Khabiirka Hiddaha Dhaqanka ee Mashruuca Soo noolaynta Dhaqanka, Dhismaha Nabadda Soomaaliya intii u dhaxaysay 2015 ilaa Noofambar 2017, halkaas oo ay naqshadaysay oo ay ka fulisay mashaariic badan iyada oo adeegsanaysa farshaxanka iyo hiddaha dhaqanka si loo kobciyo nabadda.
Bishii Nofeembar 2018, Sagal waxay si toos ah ula shaqeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ahayd la-taliyaha sare ee dhanka Farsamada ee dhanka Fanka iyo Hidaha, waxayna sidoo kale ahayd Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee UNESCO.
Iqra Ismaaciil
Iqra Ismaaciil, oo ah ciyaartoyda Muslimka ah ee xijaabka ku ciyaarta ahna tababare, ayaa durbadiiba noqotay dhiirigeliye weyn.
Markii ay isku aragtay liiska 100-ka qof ee ugu saameynta badan Africa waxay la noqotay filan waa, sida ay ku shegetay boggeeda Isntagram.
“Waxaa dhab ahaantii sharaf ii ah in la igu soo daro liiska Wargeyska NewAfrican ee muujinaya 100-ka qof ee ugu saameynta badan Afrikaanka. Waa cajiib inaan magaceyga ku arko meel ay ku safan yihiin dad waaweyn sida Sadio Mane & Lupita Nyong’o,” ayey tiri Iqra.
Waxay wax badan ka badaleysaa in dumarka Muslimka ah ee la takooro ay awood u yeeshaan inay hibadooda soo bandhigaan iyagoo xijaabkooda xiran.
Bishii Diseembar 2019, Iqra waxay hogaaminaysay xulka haweenka qaranka Soomaaliya oo ka koobanaa ciyaartoy ka socotay UK iyo Muqdisho si ay ugu tartamaan Koobka Xuquuqul Insaanka ee Cape Town, iyadoo sanadkii xigayna ka qeyb gashay Ciyaarta Champions League-gga ee PepsiCo ee Expo 2020 Dubai.
Xayiraadihii fayraska corona ma aysan niyad jabin heerkii ay fileysay inay ka gaarto kubadda cagta iyada oo xiran xijaabkeeda.
Iqra oo u dhalatay UK, hiwaayaddeeda carruurnimo waxay u noqotay dareen ka soo horjeeda takoorka ay haweenka Muslimiinta ah ay wajahayaan kaas oo iyada lafteedu ay dhibane u noqotay.
Iqra waa aasaasaha naadiga UK’s NUR (Never Underestimate Resilience) FC, oo koox ka kooban dumarka madow iyo kuwa laga tirada badan yahay, iyo sidoo kale Agaasimaha Naadiga Kubadda Cagta Haweenka Hilltop ee waqooyi-galbeed ee London. Waxay ahayd qofka ugu da’da yar ee ugu sarreeya liiska dadka madow ee Kubadda Cagta ciyaara sannadkii 2019.
Dadka kale ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Maxamed Salaax, Sadio Mane, Karim Benzama iyo kuwa kale oo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin.
XIGASHO BBCSOMALI