GADABUURSI OO DHAN HORGAL MAHAD CANBAASHE AYAA KA MIISAAN BATAY

mahad canbaashe

Madaxweyne Muuse Biixi oo la weydiiyey sababta uu Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ugu diidan yahay Beesha Gadabuursi ayaa ku jawaabay “Faratoon ma jecli, Xisbiga Kulmiye kama uu tirsana, waxba Somaliland u qaban maayo oo wuu gaboobay oo garashadiisii sii daciiftay, hogaaamin iyo dulqaadna uma dhalan, laakiin waxaan ka baqayaa inuu Generaal Mahad Canbaashe inaga xanaaqo oo ciidamadeena sahaydoodu khalkhal gasho”.

Madaxweyne in Gadabuursi oo Malaayiin cashuura bixiya uu Horgal ka miisaan bato ciyaar kuma imaan, SIDEEDA OO LAGUULA DAGAALAMAY AYAA SABABTAY, 6 sanadood baa waxaad maqasho la waayey, laakiin hada waxaa muuqata inaad (GALA DAGAALKA) maqashay, mida kale Gadabuursi waxay helayaan marmarsiinyo badan sida, Anagu waxbaan Baranaa, Somaliland Boorame ayaa lagu dhisay, qaranka ayaan u turaynaa, nabadgelyado ayaan ilaashanaynaa iwn, kelmadahaas oo aan ku jiran Qamuuska Jamaahiirta Sool, Sanaag iyo Cayn, sidaasdarteed iska samra.

Goaankaas Muuse Biixi qaatay wuxuu noqonayaa kii ugu wanaagsanaa ee uu gaato 6 sanadood ee uu talada Somaliland hayey, waayo? ma jirto sabab uu Muuse Biixi u simoMahad Canbaashe iyo Gadabuursi oo uu 1991 xasuuq baahsan oo uu u geystay ku noqday Mujaahid, xilligii Daahir Rayaale wuxuu wadada ku laayey ganacsato aan waxba galabsan wuxuu ku noqday siyaasi, xiligii doorashadiisana waxay siiyeen cod badan oo uu Madaxweyne ku noqday, sidaasdarteed mar haddii dhibtooda ay ugu sii badinayso ma jirto sabab uu uga welwelo kursi uu dhaafiyo.

cali xaamud saleebaan gaal iyo muuse biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here