Qof walba kaalintii uu halganka Buluuga ka galo waa qormaysaa, waxaa loo kala sharaf badnaan doonaa sidii loo kala waxqabad badnaa, sidoo kale waxaa iyana taariikhda geli doonta siday horgalladu u kala dhib badnaayeen.
Marka la qiimeeyo waxqabadkiisii GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL, illaa maanta wuxuu ku jiraa kaalinta kowaad sida:
Jihayntii Jamaahiirtii Kacdoonka bilowday ee dhiiga bixisay.
Wuxuu abaabulay gudiga 33 ee Aayo katalinta kuwaas oo noqday maamul ku meelgaar ah,fowdadii iyo kala dambeyn la,aantiina is hortaagay.
Wuxuu ku adkeystay in dhamaan Isimadda SSC ay magaalada Laascaanood isugu yimaadaan, welina wuxuu yahay tiirarka midnimadda iyo halganka.
GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL howsha aad qabatay ee geesinimadda iyo xirfadu ka muuqato waxay noqon doonta taariikh aan shacabka SSC ilaawi doonin, abaalkeedana waxaad heli doonta maalinta Halganka Jamaahiirta SSC midho dhallo, GARAAD WAAD KU MAHADSAN TAHAY ADEEGA AAD SHACABKAAGA U QABATAY.