GARAAD SALEEBAAN WUXUU KA TEGAY NIN-GARBOOD BADAN OO SALDANADA WADI KARA

garaad saleeban

Alle how naxariistee Garaadkii Guud ee Beesha Maxamuud Barri Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa shalay Sarmaanyo lagu aasay, ilaa xalay waxaa socotay hadalhaynta cidii bedeli lahayd.

Waxaan dadka xumaanta wada xusuusinayaa inaan Garaad Saleebaan gablan ahayn, wuxuu ka tegay rag nin-garbood u badan, oo haday tahay Diin, dadnimo, ammaano iyo tolnimo cid ka fiicani jirin, ilaa hadana wax muran ah oo Ilma Garaad Saleebaan ka jiraa ma jirto, waxaa fiican inaan laga warwareegin cida xaqa u leh.

Waxaan ku talinaynaa inay hungurigooda dib u liqaan dadkii 30 sano beesha kala qaybinayey, cadowgooda Reer Khaatumo u yaqaan, waxba xeerin kana xishoon, dadka kuwaas dabadda ka riixayaa waa dad diintii, dadnimaddii iyo tolnimaddii khafiif ka noqotay oo muraad gaar ah iyo nin jeclaysi madax-maray.

Haday Garaadnimadda Reer Garaad Saleebaan aanay raacin, waa tartan Maxamuud Barri oo dhan u furan, haddii kale dhaqankii ha la raaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here