Waxaan Illaahay uga baryeynaa inuu Caafimaadkii u soo celiyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimadda soo jireenka ah ee Soomaaliya, oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku xanuunsanayey Magaalada Garoowe.
Geerida, gabowga iyo xanuunku waa marxalado huran noolaha, laakiin waxaa foolxumo ah in qaar ka mid ah xubnihii ku mamay si xun u isticmaalka Saldanadda, dad badani ay dartood uga baxeen ay is tusaan in ay ka faaiideystaan xanuunka Garaadka oo ay si sahlan u inqilaabaan.
Waxaa naloo xaqiijiyey in koox uu hogaaminayo Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad uu magaaladda Garoowe ka bilaabay olole uu doonayo in lagu sameeyo GARAAD KU-MEEL-GAAR ah ama SIIHAYE GARAAD oo aan lahayn waqti cayiman, islamarkaana laga sharciyeeyo dhamaan xafiisyada ay khusayso. Ma kula tahay in Saadiq oo Xildhibaanimo yar laga furfuri la hayey ayaa garaadnimo loo sharciyeeyey soo celinaya.
Ujeedadda sameynta siihayaha garaadka waa, in lagaga shaqeysto xafiisyadda Puntland iyo Dawladda Federaalka, loo adeegsado dhibaateynta iyo kala qaybinta Reer Khaatumo, sidoo kale in Garaadnimadda laga dhaxalwareejiyo Ilma Garaad Saleebaan ama qof beeshu doorato.
Dhamaan Cuqaasha Maxamuud Barri, Waxgaradka, Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta Maamuladda ku jirta waxaan ugu baaqaynaa inay ka foojignaadaan falkan guracan ee lagu mindi raacinayo Saldanaddii ugu weynayd beesha, markay banaanaato ama haboonaato xulashada Garaad cusub waxaa ka tashan doono dadkii ay khuseyso.