Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo tiraahda “HADDII ILAAHAY GEEL KULA RABO MARKA HORE DADKII DHAQI LAHAA BUU KU SIIYA”, taas waxaa la mid ah, Haddii ilaahay GARXAJIS la rabo hogaaminta Somaliland iyo siyaasad fiican Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe idiinma hordhigeen, saaqidiin siyaasadeed waa dhaafeen waa marxuumyo siyaasadeed.
Nimanka 7 bilood ee Muuse Biixi xasuuqa Laascaanood ka waday ka faaiideysan waayey ee lahaa waxaan Taageersanahay Ciidamadda Somaliland waxa ay Laascaanood ka wadaan ama Cabdiraxmaan Cirro oo isagoo aan meel gaarin Xisbigiisii laga qaaday, iskadaa hogaaminta Somaliland ee Xaafad hargeysa ka mid ah laguma aamini karo. Muuse Biixi waxa keliya ee uu ku saxan yahay waa inuu kuwan dalka ka ilaaliyo.
Garxajisow Waxaa idiinla gudboon inaad samirtaan oo sugtaan marka Madaxweyne Muuse Biixi Haaka yiraahdo oo kursiga ka dhergo, idinkuna intaas Hogaamiye iyo Xisbi cusub la soo baxa. Inkastoo aanu khibrad iyo waayo aragnimo siyaasadeed lahayn, Ururka REJO iyo Cabdilaahi Dahab cid dhaantaa Xisbiyadda iyo Ururadda kama muuqato.