GARXAJISOW REER LAGU GUURAY (HABARJECLO) YAANAY IDIINKU GUURIN

gudiga beesha garxajis

Waxaa cad in Jeegaantii Muuse Biixi hogaaminayey ay Somaliland burburiyeen, waxaa kale oo la wada ogsoon yahay in colaaddii iyo xasuuqii Laascaanood laga geystay markii hore Beesha Garxajis lala damacsanaa, balse ilaahay swt uu diiday oo iyagii jebiyey oo sharaf daro, ceeb dusha u saaray.

Maanta Garxajisow waxaa idiinla gudboon inaad ilaahay ugu mahadnaqdaan siduu idiinka badbaadiyey dhibtii iyo hagardaamooyinkii Jeegaantu idiinla damacsanaayeen, BEESHA HABARJECLO waxaa ku guuray Muuse Biixi iyo Beeshiisa, wixii xumaan ahaa ee 6 sano dhacayna iyadaa hormuud u ahayd, maanta midhaheedii waa dhadhamin doontaa, waxaan idiinla gudboon inaad ka digtoonaataan in beel lagu guuray aanay idiinku guurin, haddii cidi idiinku guurayso Muuse Biixi haydinku Guuro.

Muuse markii dagaalkii laga adkaaday ayuu doonaya inuu beelo u bedelo, idinku haku milmina, mowqifkiina wanaaga ahna cadeeya, dadkii iyo beelihii 6 sano xumaanta waday gacanta ka qabta, haday idiin diidaan waxay helayaan cawaaqibkeeda.

Reer SSC waxay cadeeyeen inay diyaar idiinla yihiin nabadgelyo, deris wanaag iyo labo maamul oo deris ah, Isimadda SSC waxay Haberjeclo ugu baaqeen nabad, walaaltinimo iyo inaan degaamadooda lagaga soo duulin, iyagoo cadeeyey haddii xabad lagaga soo rido ay jawaab aan la mahadin ka bixinayaan, dagaalka Buqdharkeyn wuxuu ka bilowday Habarjeclo oo degaankeedii laga soo duulay oo labo qof dil iyo dhaawac loo geystay, taasoo keliftay in Jamaahiirta SSC si cad uga jawaabaan, waana wajaab sugaysa cidkasta oo degaankeeda lagaga soo duullo. GARXAJISOW MAANTA KALAGOYS BAAD TAAGAN TIHIIN EE AMA XAGGA WANAAGA U DHAQAAQA OO ILAAHII IDIIN HIILIYEY U MAHADNAQA AMA XAGGA XUMAANTA OO DADKA LAGU GUURAY EE FARAHA DHIIGGA LOO GELIYEY DABO GALLA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here