GARXAJISOW U DIYAARGAROOBA INAAD JAMAAHIIRTA IYO CIIDAMADA SSC ISKAASHATAAN

gudiga beesha garxajis

Jamaahiirta iyo Ciidamadda SSC waxaan ugu hambalyeynaynaa sida geesinimadda iyo adkeysanka leh ee ay ugu jilib dhigayaan Maleeshiyadda uu hogaamiyo Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi ee Xasuuqa iyo tacadiyadda ka geysanayey Magaalada Laascaanood, waa markhaati ma doon guullaha isdabajoog ah ee aad maalin walba gaaraysaan, waa idiinku boorinaynaa dadaalka aad maleeshiyada xuduudka xoog ugaga saaraysaan, naga baxa waqtigeedii waa laga soo gudbay.

Jamaahiirta Geesiyaasa ah ee SSC, waxaa hubaal ah haddii aan Muuse Biixi Kursiga Madaxweynaha laga tuurin aanay Goboladda SSC iyo shacabka waqooyi nabadgelyo iyo deganaansho heli doonin, waxaa muuqata inuu xasuuq, barakicin iyo tacadiyo ku bilaabi doonaa qaar ka mid ah beelaha kale oo uu ula baxay CADOWGA GUDAHA, gaar ahaan Beesha Garxajis oo uu doonayo inuu dhameystiro wixii 19994 ka qabyoobay, sidaas daraadeed si xumaanta Gacan-ku-dhiigle Muuse Biixi looga hortago waxaa Ciidamadda Jamaahiirta ku waajiba:

  1. Inay ku dadaalaan sidii ay hub-ka-dhigis ugu sameyn lahaayeen Ciidamadda somaliland ee duleedka Laascaanood ku sugan, si aan hubka degaamo iyo shacab kale loogu dhibaatayn, cidna aan laga yeelin in hubkaasi gudbo, waa masuuliyad idiin saaran.
  2. Inay u digaariyaan sidii cutubyo Ciidamada jamahiirta ahi u tegi lahaayeen degaamadda Beelweynta Garxajis si ay uga caawiyaan ka hortaga xasuuqyadda ay la maaganaayeen ee dagaalka Laascaanood ka soo dhexgalay.

FARIIN KU SOCOTA JAMAAHIIRTA IYO DHALINYARADDA GARXAJIS:

Waxaa maragmadoonto ah in Siyaasiyiintii iyo Odayaashii Garxajis ay taladdii la dheeliyeen, taasoo sababtay hoos u dhac 30 sano ah, waxaa xaqiiqo ah in aanay dhaci doonin Doorashadii laydiinku seexin jiray iyo rajadii yarayd ee Cabdiraxmaan Cirro idiin duleynaye, Somaliland Muuse Biixi baa dushiina ku burburiyey, sidoo kale waxaa qofka caqliga lihi arkayaa in wixii hub Laascaanood lagala soo noqdo uu Muuse Garxajis duldhigayo, waxaa ilaahay Mahadiis ah in walaalihiina SSC ay wiiqeen Cadowgii idiin bir tumanayey mudada dheer, sidaasdarteed waxaa Jamaahiirta iyo Dhalinyaradda Beesha Garxajis weyne ku waajiba inay ka faaiideystaan Siyaasadda waqtigeeda joogta oo aan lagu khiyaameyn qaab qabiil sidii horey idiinku dhacday ee aad ugu khasaarowdeen.

Waa in Jamahiirta Garxajis ay la xiriirtaa Jamaahiirta SSC ee Xaqa u diriraya, islamarkaana aad si dhaqso ah booqasho taageero ah ugu tagtaan Magaaladda Laascaanood.

Gudo iyo dibadba waa inaad taageero dhaqaale isla garab taagtaan dadka la dhibaateeyey, idiinkoo u sii marinaya Gudiga 33 ee Aayo katalinta SSC.

Waa inaad heshiis difaac la gashaan SSC oo u diyaargarowdaan khatarta ka imaan karta Muuse Biixi oo kursiga isku adkeeya, deg deg uga shaqeynsaan sidii Cutubyo ka mid ah Jamaahiirta SSC ee khibradda dagaal yeelatay ay degaamadiina ku imaan karaan, waayo inaad dhalinyaro ururisaan way fududahay laakiin khibradda dagaalka ayaa muhiim ah, waxay deg deg uga jawaabayaan dhaqdhaqaaqyada kooxda arxanka darani ka sameyso hargeysa, Berbera iyo Burco, Beesha caalamka, wadamadda deris, kilinka 5aad iyo dowladda federaalka ka dhaadhiciya cabsida aad ka qabtaan in xasuuqii Laascaanood mid la mid ahi degaamadiina ka dhaco, arintani waxay fududaynaysaa in Ciidamada SSC iyo Kuwa Garxajis isu socdaan oo isu gurmadaan, ka xorooba cabsidii aad ka qabteen in Soomaaliweyn laydiinku shaambadeeyo, waayo iyagaa dalkii burburiyey, idinku marti baad ka ahaydeen.

WAXAAN LA RAJEYNAYAA IN JAMAAHIIRTA IYO DHALINYARADDA GARXAJIS AY KU DAYDAAN, SIDII JAMAAHIIRTA SSC AY TALADA ULA WAREEGEEN, WAQTIGII UGU FIICNAA BAAD HAYSATAAN, WAA SIYAASAD WAQTIGEEDII HAYSATA, SAACAD KASTA OO IDIN DHAAFTAA WAA IDIIN KHASAARE. ODAYAAL TALLO LAGA SUGAA WAA GUNIMADDA BILOWGEEDA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here