Madaxa Ergada Soomaalida ee Qarama Midoobay Abuukar Cismaan Baalle oo ka hadlayey fadhiga gaarka ah ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ay maanta ka yeesheen xaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay DFS aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo.
Amb. Baalle ayaa sheegay in xaalka SSC hadda yahay mid deggan oo nidaamkii shaqeynayo, isagoo taas uga mahadceliyey maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay Dowladdaha iyo Hay’adaha caalamiga ah in ay la shaqeeyaan maamulka ay aqoonsatay Dowladda Federaalka, ayna tahay waajib.